Mexico oo sharciga isgaarsiinta badashay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 24 Maarso, 2013, 19:22 GMT 22:22 SGA
Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto

Madaxweynaha Mexico Enrique Pena Nieto ayaa balanqaaday inuu isbadalo ku samaynayo dhaqaalaha.

Congresska Mexico ayaa ansixiyay isbadal wayn oo lagu samaynayo isgaarsiinta waddanka, taasoo saamayn doonto ninka adduunka ugu taajirsan Carlos Slim. Shirkadiisa America Movil, ayaa iskaleh boqolkiiba toddobaatan shan telefoonka mobilka iyo kan guryaha.

Sharcigan cusub ayaa u ogolaan doona shirkado badan inay suuqa ku tartamaan iyo kuwa ajnabiga.

Shirkadda Telefishinka ee Televista oo ugu wayn qaarada Koonfur Amerika ayay saamayn doontaa in shirkado kale ay la tartamaan.

Dowladda cusub ee Mexico ayaa balanqaaday inay isbadalo ku samayn doonto sharciyada dhaqaalaha oo ay xor ka dhigi ganacsiga suuqa Mexico.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.