Soo saarka saliida K Sudan oo bilaabmay

Markii u dambaysay ee la cusboonaysiiyay: 6 Abriil, 2013, 13:53 GMT 16:53 SGA
Dhaqaalaha Shidaalka

Lacagta shidaalka ayaa ah boqolkiiba sagaashan miisaaniyada dowladda Koonfurta Sudan.

Koonfurta Sudan ayaa bilowday inay soo saarto shidaal kadib markii ay joojisay shan iyo toban bilood ka hor, markii ku heshiin waayeen Sudan balaayiin dollar lacagta lagu dhoofinayo shidaalka.

Wax soo saarka shidaalka ayaa joogsaday sanadkii hore, kadib markii Koonfurta Sudan oo dekad la'aan ah ay ku eedeysay Sudan inay kordhisay lacagta ay ka qaado dhuumaha shidaalka ka dhoofiya dekada Sudan.

Muranka xudduuda iyo arrimo kale ayaan wali la xalin labada waddan, laakiin bilaabida wax soo saarka shidaalka ayaa ah horumar wayn.

Wararka la xiriira

BBC © 2014 BBC mas'uul kama aha waxa ku qoran boggaga aan BBC ahayn.

Boggan waxaa sida ugu wanaagsan loogu daalacan karaa qaab waqtiga la socda iyadoo la adeegsanayo waraaqaha qaabaysan ee (CSS). Adigoo awoodi doona in aadqaabka aad hadda isticmaalayso ku aragto bogga waxa ku qoran, hadana si buuxda ma kuugu muuqan doono. fadlan ka fakar in aad badasho barnaamijkaaga wax baaridda (browser) ama in aad kordhiso awoodda waraaqaha qaabaynta ee (CSS) hadii aad sidaa yeeli karto.