Blackberry oo dhimi doonta 4,500 oo shaqo

Image caption Telefoonada Blackberry ayaa waxay la kulmaeen tartan adag oo ay ku hayaan Samsang iyo Apple.

Blackberry ayaa ku dhawaaqday inay qorshaynayso inay jarto 4,500 oo shaqo, ama 40% dhaqaalahooda caalamka si lacag loo dhaqaaleeyo.

Shirkada telefoonada samaysa, ayaa sheegtay inay filanayso qasaaro dhan £621M markay soo saarto warbixin lacagta ay heleen toddobaadka danbe.

Saamiyada shirkada ayaa hoos u dhacay 17% markii lagu dhawaaqay shaqooyinka la jarayo.

Bishii Augst shirkada ayaa sheegtay inay eegayso in la iibin karo shirkada.

Shirkada ayaa sheegtay in qasaaraha soo gaaray uu ka yimid iibsashada oo hoos u dhacday telefoonadooda cusub ee Z10.

Bishii June, ayuu madaxa shirkada Thorstein Heins, sheegay inay iibiyeen 2.7 milyan oo telefoonada Z10 oo kaliya, 6.8dii telefoon oo ay sameeyeen.

Toddobaadkan ayay Blacberry soo saartay telefoon cusub, Z30, oo aad loo amaanay, laakiin waxaa ka magac dheereeyay Apple oo soo saartay telefoone cusub isla toddobaadkan.