Bangiga Adduunka oo u digay Maraykanka

Image caption Gudoomiyaha Bangiga Adduunka Jim Yong Kim.

Bangiga adduunka ayaa ka digay in dhibaatootin waawayn ay u iman doonaan dhaqaalaha adduunka, hadii siyaasiyiinta Maraykanka ay kordhin waayaan lacagta ay dowladda amaahan karto xadigeeda.

Gudoomiyaha Bangiga, Jim Yong Kim, ayaa sheegay inay jirto qatar inuu kordho dulsaarka amaahda iyo inuu yaraado kororka dhaqaalaha. Wuxuu sheegay taas inay dhibaato ku tahay waddamada soo koraya, iyadoo isla markaana dhib u keeni karta waddamada horay u maray.

Mr Kim, ayaa ka hadlayay dhamaadka shirka Bangiga Adduunka iyo Hayadda lacagta Adduunka ee IMF ee ka dhacay Washington.