JP Morgan oo bixinaya ganaax badan

Image caption JP Morgan wuxuu ka mid yahay bangiyada maalgalinta ee ugu waawayn ee adduunka.

Waxaa wararka ay sheegayaan in dalka Maraykanka bangiga maalgalinta ee JP Morgan Chase ayaa la filayaa inuu bixiyo in kabadan saddex iyo toban bilyan oo dollar oo ka doonayso Wasaarada cadaalada ee Maraykanka, si loogu bixiyo dacwooyin ka yimid ammaahyo uu bangiga sii iibiyay waqtigii dhibaatooyinka dhaqaalaha ay bilaabmeen 2007kii.

Hadii la xaqiijiyo arrintan, lacagta la ganaaxay bangiga ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee ay dhiibto shirkad Maraykan ah.

Laakiin lacagtan ma xalinayso baaritaano danbiyo oo wali u socda bangiga.

Sii iibinta amaahyada guryaha ayaa lagu eedeynayaa inay ka danbeeyeen dhibaatooyinkii bangiyada ee saameeyay dhaqaalaha adduunka.