Mashruuc koronto ee Itoobiya oo shaqo bilaabay

Image caption Ashegoda ayaa waxay ku taalaa meel u dhow magaalada Mekelle.

Mashruuc Ashegoda ee korontada laga dhaliyo dabaysha oo ah kan ugu wayn Afrika, ayaa shaqo ka bilaabay meel u dhow Mekelle magaalo madaxda gobolka Tigray ee Itoobiya.

Shirkada Faransiiska ee Vergnet ayaa hirgalisay mashruuca. Mashruuca waxaa maalgaliyay bangiga BNP Paribas ee Faransiiska, Hayadda horumarinta ee Faransiiskaiyo iyo hayada korontada ee Itoobiya (EEPCo).

Image caption Saldhiga Ashegoda ee ka bilaabay howlgalka Itoobiya.

Baahida tamarta laga dhaliyo dabaysha iyo qoraxda iyo biyaha ayaa korortay si loo gaaro tamar isku filnaasho, taasoo muhiim u ah horumarka dalka iyo dhimista saboolnimada. Tamarta laga dhaliyo dabaysha ayaa waxay ka mid tahay tamaraha nadiifka ah ee aan deegaanka waxba u dhimin.

Itoobiya ayaa waxay ku hamiyaysaa inay noqoto waddamada ugu waawayn ee dhoofiya korontada.