Labnaan oo badbaadisay internetkeeda

Image caption Qariidada Kabalada internetka

Labnaan ayaa badbaadisay inta ugu badan awooda internetkeeda kadib markay bixisay lacag ay ku lahayd shirkad bixisa kabalada internetka.

Wasiirka isgaarsiinta, Nicolas Sehnaoui, ayaa tweetgareeyay in wadashaqayn wanaagsan oo dhexmartay wasaarada maaliyada ee Labnaan ay suurto galisay in la bixiyo lacagta lagu lahaa oo dhamayd 1.6 milyan dollar.

Shirkada ayaa ka digtay inay Labnaan ka jarayso internetka hadii aysan bixin lacagta, taasoo qatar ku ahayd lixdan boqolkiiba awooda internetka waddanka.