Heshiiska gaaska ee Shiinaha iyo Ruushka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Gazprom ayaa ka mid ah shirkadaha ugu wayn adduunka ee gaaska.

Ku xigeenka Wasiirka Tamarta ee Ruushka Anatoly Yanovsky, ayaa sheegay in heshiiska ay shirkada wayn ee Ruushka ee Gazprom ay ka iibinayso gaas Shiinaha uu gabogabo ku dhow yahay.

Isagoo hadlaya ka hor intaan Madaxweyne Putin uusan booqasho ku tagin Shiinaha todobaadka danbe, ayaa Mr Yanovsky sheegay in wadahadalka heshiiska oo socday tobankii sano ee ugu danbeeay la soo gabagabaynayo bishan dhamaadkeeda.

Wasiirka mar uu ka hadlayay gaaska uu Ruuska ka iibiyo Ukrain waxa uu sheegay, in Ruushka uu wadahadal la galayo Ukrain markay bixiso lacagta ay Gazprom ay sheegtay inay ku leedahay Ukrain oo dhan 3.5 bilyan oo dollar.

Gazprom ayaa laba jibaartay sicirka gaaska ay ka iibiso Ukrain dhawaan.

Ukrain ayaa diiday inay dhiibto qiimaha la kordhiyay.