Sicirka shidaalka oo kordhay

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Warshada Shidaalka sifaysa ee ku taal magaalada Arbil ee Ciraaq.

Sicirka shidaalka cayriin ee saliida Brent ayaa kordhay kadib walaac dagaalka ka socda Ciraaq.

sicirka shidaalka saliida Brend ee cayriinka ayaa gaartay $112.32 barmiilkii, halka halka shidaalka cayriin ee Maraykanka ay gaartay $106.55, sicirkii ugu sareeyay labada saliid tan iyo September.

Dagaalyahanada ayaa qabsaday laba magaalo Ciraaq, taasoo keentay in Maraykanka uu sheego inuu eegayo si walba oo uu ku caawin karo Ciraaq.

Ciraaq ayaa ah waddanka labaad ee soo saara shidaalka ee ka tirsan ururka OPEC ee waddamada shidaalka soo saara.

Sida ay sheegeen hayadda tamarta ee caalamiga (IEA), Ciraaq ayaa sooo saarta ilaa 4% shidaalka caalamka.

Laakiin IEA, oo loo aasaasay in ay wax ka qabato dhibaatooyinka shidaalka, ayaa sheegtay Jimcihii " Hadii uusan sii faafin dagaalka Ciraaq in shidaalka Ciraaq uusan qatar ku jirin hadda".

Bariga Dhexe ayaa ah meesha laga soo saaro shidaalka ugu badan adduunka, waxaana jira cabsi laga qabo hadii dagaalka uu sii waynaado in ciriiri uu galo iibsashada shidaalka ee caalamka.