City Group oo bixinaysa 7 bilyan oo ganaax

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Bangiga City Group

Bangiga Citigroup oo ah bangiga seddaxaad ee ugu weyn America ayaa aqbalay inuu bixiyo 7 bilyan oo doolar, si loogu xaliyo baaris ku eedeyneysay bangiga inuu marin habaabiyay maalgeliyayaal.

Masuuliyiin Maraykan ah ayaa sheegay in bangiga uu qirtay inuu iibiyay ammaah guryo (Mortgage) oo qatar leh, iskuna dayay inuu qariyo qasaaraha ganacsigaas.

Bangiga kale oo kuwa wax maalgeliya ah laguna magacaabo JP Morgan, ayaa isna horay u bixiyay 13 billion oo doolar lugtii ay ku lahaayeen qasaarahii dhacay.

Bangiga City group oo Maraykan ah ah ayaa la rumeysan yahay inuu ku jiray wadahadalo qorshooyin ganacsi oo mustaqbalka ah.