Mobileka casriga oo Afrika ku badanaya

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Telefoonada casriga ee Smartphone.

Samsung ayaa sheegtay in Afrika ay isticmaali doonto telefoonada casriga ah (Smartphone) sadddex ilaa shan sano gudahood.

Toddobaadkii hore iibsashada telefoonada casriga ayaa ka badnaaday kuwa caadiga ah markii ugu horaysay, laakiin Afrika ayaan wali telefoonada casriga iibsashadiisa aysan badan sababtoo ah internetka oo aan hormarsanayn.

Kooxda samaysay daraasaadka Informa ayaa saadaalisay in 334 milyan oo telefoono casri ah Afrika laga isticmaali doono 2017. Halka daraasaadka IDC, uu sheegay in 18 boqolkiiba Afrika ay isticmaalaan telefoonada casriga.