Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi Wasiirka Maaliyada ee Djibouti

Lahaanshaha sawirka
Image caption Wasiirka maaliyada ee Djibouti Ilyas Muse Dawaleh iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa waxaa uu ku dhawaaqay 33 bilyan oo dollar oo maalgalin ah oo ay shirkadaha Maraykanka ku maalgalinayaan Afrika.

Hadal uu ka jeediyay shirka Afrika iyo Mareykanka, ayuu Mr Obama sheegay inay dhaqaalahaasi qeyb ka mid ah ku bixin doonaan dhanka awoodda korontada oo ay helaan xaafadaha iyo ganacsiyada Afrika. Wuxuu sheegay in Mareykanka uu caawinayo Afrika.

Haddaba Afartanka madaxweyne ee Africa ka socda ee ka qayb galaya shirka Washington ee Mareykanka waxaa wehliya Wasiiro.

Wasiirka maaliyadda ee Djibouti, Ilyas Muse Dawaleh, ayaa Wariyaha BBC ee Mareykanka Maxamed Xuseen Shiino, uga waramay shirka iyo maalgalinta Djibouti.