Wadahadalada ganacsiga ee Yurub iyo Maraykanka

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wadahadalada ganacsiga ee Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Masuuliyiinta Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa sheegay inay horumar ka gaareen wadahadalada ganacsiga ee Midowga Yurub iyo Maraykanka.

Dad matalaya labada dhinac ayaa wadahadal uga socday Chevy Chase, ee Maryland.

Ninka hogaaminaya kooxda Maraykanka Dan Mullaney, ayaa sheegay in ujeedadooda ay tahay siday u samayn lahaayeen fursad ganacsi iyo maalgalin.

Heshiiska ayaa suurto galin doono in la baabi'iyo canshuurta la saaro alaabada la soo dhoofinayo, iyo baabi'inta xayiraadaha kale.

Wadahadalkan ayaa ah kii toddobaad wadahadalo bilaabmay sanadkii hore.

Mr Mullaney, ayaa sheegay in horumar laga gaaray in laga hadlo hindisayaashii ay labada dhinac soo bandhigeen.

Heshiiska la qorsheynayo ayaa loo yaqaan Trans-Atlantic Trade and Investment Partnership or TTIP.

Shir jaraa'id oo lagu soo xirayay wadahadalada, hogaamiyayaasha wadahadalka ayaa diiday inay sheegaan waqtiga uu dhamaanayo wadahadalka.

Dadka dhaleecaynaya heshiiska ayaa sheegaya in heshiiska uu hoos u dhigayo xaquuqda macaamiisha iyo ammaanka cuntada, iyo in shaqo la'aan uu keeni doono.

Waxay sidoo kale ka cabanayaan in heshiiska laga hadlayo uu yahay mid qarsoodi ah oo waxba laga ogayn, oo dimoqraadiyada ka soo horjeedo.