Taxanaha Riyada Africa: Ka ganacsiga qashinka Africa

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Todobaadkan waxaanu ku eegaynaa Lorna Rutto oo ah gabadha aasaastay Ecopost, oo ujeedkeedu yahay "u badalidda dhaqaale ee qashinka Africa". Shirkadeeda fadhigeedu yahay Nairobi, Ecopost, waxay u badashaa bacda waxyaabo aan dadka wax u dhimid oo bii'ada u wanaagsan. Shan sano ka hor waxay ka tagtay shaqo wanaagsan oo bank ah si ay magaalada Nairobi qashinka bacaha uga nadiifiso oo dib u soo saarto.

Iyadoo aan lacag aan haysan oon lahayn wax qibrad ah ayay bilowday, dadka qaar ayaa u arkayay wax waalan:

Waxay ka hadlaysaa nuqdo-nuqdo arrimaha Sida ay lacag uga samayso qashinka? maxay yihiin arrimaha ugu waawayn ee ay niyadda ku haysay laga bilaabo ka ganacsiga dal Afircan ah.

  • Aniga waxba igama khasaaraan. Waa sidaan wax kasta u arko, weelkii beryahii hore looxa laga samayn jiray imika caag baa laga sameeyaa.
  • Waxaan isticmaalnaa bacaha iyo qashinka faaradda oo meel kasta laga heli karo. Maalin kasta in ka badan 10,000 Mitirik Tan oo xashiish ah bay Kenya daadisaa, qashinkaa waxaan uga baahannahay waxa ka soo gura 15 dhalin yaro iyo dumar ah oo naga iibiya.
  • Erayga Qashin kumaba jiro qaamuuskayga, waxba ma tuuro! Bacaha waanu dhalaalinaa ama jar jarnaa oo waxaanu ka samaynaa waxyaabo kala duwan.
  • Fursadani waxay ka dhalatay baahida suuqa ka jirta ee loo qabay in la iibsado tiirar caaga ah oo lagu badali kari kuwa qoriga ah, maadaaba aan kuwa caagga ah ciidda iyo aboorku cunayn.
  • Dadka beeralayda ah iyo kuwa doonayay in ay guryahooda xayndaabaan ayaa 80% u baahan tiirar taas oo lacagta ay ku iibsanayaanna ay tahay qiyaastii 50 milyan oo doolar sanadkii. Wakaalada duur joogta Kenya ayaa ah cidda ugu wayn ee iibsata tiirarkaa oo ay kaga baxdo lacag dhan lix milyan oo dollar sandkiiba.
  • Kuwa aanu samayno aad baa looga helaa maadaama oo sida kuw qoriga ah aanay ciiddu cunayn isla markaana ay mudo dheer jirayaan. Meelaha kulaylaha ah sida Afrikada Bari oo kale waxa aad ugu badan aboorka oo aan cuni Karin caagga. Tiirarka caagga ahi way ka cimri dheeryihiin kuwa qoriga ah waanay ka kharash yar yihiin kuwa kale.
  • Qorshahayagu waa faa’iido doon, dakhligayaguna wuxu ku tiirsanayahay 100% wax soo saarkayayga faa’iidada na soo gashaaa waxay u dhaxaysay 25 – 35 % raasamaalka aanu galino, ilaa haatan waxaanu iibinay tiirar qiimahoodu gaadhay 300,000 kun oo doolar.
  • Mustaqbalka faa’iidada aan filaynaa waxay ka soo bixi doontaa agabka ay ka midka yihiin kuwa guryaha lagu dhiso, sida kuwa caagga dhulka la dhigo iyo ka guryaha dusha laga saaro maadaama dhismuhu xaami u socdo.

Waa maxay waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay tahay in ay ka fikirto gabadha doonaysa inay ganacsi ka bilawdo dal Afrikaan ahi?

  • Caqabada ugu wayn ee iga hortimid waxay ahayd garawshiiyo la’aan sababtoo ah waxaan ahay ruux dumar ah, ku darsoo da’dayduna way yarayd markaan bilaabay oo 25 jir uun baan ahaa. Waxyaabaha kale dhacay wax aka mid aha in mararka qaar macaamiisha qaarkood ilaba hadli waayaan oo ay yidhaahdaan noogu yeedh madaxdaada. Dulqaad badan iyo maslaxaad badan baan wax kaga iibin jiray.
  • Haweenka ganacsatada ahi waxay la kulmi karaan takoor iyo in laga horjoogsado meelaha ay ka helayaan waxayaaba ganacsiga kobciya sida amaahda ay bixiyaan bangiyadu oo kale. Anigu raasamaal igu filan ayaan urursaday intaanan galin ganacsiga, waxase xaqiiqo ah in dumarka aad loo dhaliilo oo la barbar dhigo raga, waxase muhiimka ahi waa in aanay niyad jabi. Waa in aynu albaab kasta garaacno oo riixno si aynu u helno waxaynu doonayno.
  • Anigu waxaan bilaabay ganacsi qashinka warshadeeya waana ganacsi aan hore loogu aqoon dumarka. Dumarku waa in ay ku dhiiradaan inay bilaabaan ganacsi kasta oo tartan gali kara, hadii kale se ganacsigoodu dhakhso u kobci maayo. Dacaayado lagu furayaana way jirayaane ha ogaadaan.
  • Dumarka waa in lagu dhiiri galiyaa inay noqdaan dad wax hindisa oo hal abuur leh oo ay arkaan fursada jira, waa inay ogaadaan dhibaatooyinka iyo caqabadaha hor yaalla si ay u xalin karaan. Fursaduhu way badanyihiin, anigu taydii waxaan ka dhex helay qashinka waanse garan karaa kuwa kalee jira. Waa in qofku ogaadaa oo uu doortaa fursad uu u heellanyahay.
  • Ma lihi waxan ahay qof aad u dhiirran waayo dhawaan waan ka cago jiiday in aan qaato amah aan u baahnayn, kama danbaystii se waan ku dhiirraday.
  • Dumarka ganacsatada ahi waa inay iku xidhnaadaan oo ay raadsadaan cid tababarta oo talooyin iyo dhiirri galinba ku siiya si ay ganacsiga u bilaabaan kana caawiya in la barto. In aad ku xidhnaato dad fikirkaaga dhiirigaliya oo aan ku niyad jabinayn ayaa iyaduna ah arrin aad u muhiim ah.
  • Waa in aynu ku dadaalnaa in aynu halka aynu taagannahay hore uga marno, inuu qofku wax korodhsadaa waa faa’iido waana muhiim in aynu ogaano awoodeena iyo halka aynaan dhaafi Karin. Ka foojignow in aad keligaa ka shaqaysid ganacsigaaga, raadso qof xirfadahaaga kaaba.
  • Aniga caqabadaha ayaaba i dhiirri galiya, waxan rumaysnahay in wax kasta la qaban karo. Si wayn baan u fikiraa aragtida aan ku waajaho ganacsiguna waa in aan wax kasta qaban karo oo bulshada ugu adeegi karo sida dhiggaya ragga ah oo kale. Waxan jeclahay in aan dunida wax ka badalo mar hadaan ku noolahay.
  • Bulsho raggu ka taliyo ayaynu ku noolnahay. Raggu waxay jecelyihiin inay iyagu wax xukumaan oo ay go’aan kasta keligood gaadhaan waana argti qabta in dumarka loo taliyo. Waa in aynu hareeraheena eegnaa oo aragnaa dumarka faro ku tiriska ah eek u guulaystay ganacsiga ee guushooda ku gaadhay rajada iyo dhabar adayga ay kaga gudbeen caqabadaha aan la soo koobi Karin. Waa in aynu ku dayanaa oo sidooda oo kale noqonaa.