Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkad caymis oo laga furay Soomaaliya

Shirkadan cusub oo la yiraahdo First Somali Takaful and Re-Takaful furtay koox ganacsato Soomaali ah.

Shirkaddan cusub ayaa ku shaqaynaysa nidaamka islaamiga ah ee caymiska.

Munaasabadda shirkadan lagu furay oo ka dhacday hotelka Jazeera ayaa waxa ka qayb galay madax ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo wakiilo ka socday ururrada bulshada.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa waraystay Maxamed Cabdi Maxamed oo ah gudoomiyaha shirkadda caymiska islaami ee Takaful and Re-Takaful.