Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya: Beerista bariiska oo korortay

Beereleyda bariiska ee gobolka Shabeelada Dhexe, ayaa dib u bilaabay wax soo saarka bariiska oo si weyn hoos ugu dhacay tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Xilligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, bariiska ayaa waxa uu ka mid ahaa dalagga sida aadka ah dalka loogu beerto, waxa uuna ka bixi jiray beero ay leedahay dowladda oo iskaashatooyin ay maamulaan.

Haddaba weriyaha BBC ee Muqdisho Macalimuu oo dhawaan booqday magaalada Jowhar, ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay Cabdi Aaden Ibraahim oo ah khabiir dhanka beeraha waxa uuna muddo aad u dheer ka shaqeynayay beeritaanka bariiska.

Waxa uu ugu horreyntii weydiiyay xaaladda wax soo saarka bariiska.