Shirkaduhu waa in ay sheegaan mushaarka lab iyo dheddig

Shirkadaha waawayn ayaa ku qasbanaan doona in ay shaaca ka qaadaan farqiga u dhaxeeya celcelis ahaan mushaarka ragga iyo dumarka u shaqeeya, sida uu dalbayo sharci cusub oo baarlamaanka hor yaalla.

Shirkadaha ay u shaqeeyaan in ka badan 250 shaqaale ee aan raacin sharciga cusub waxaa lagu ganaaxi doonaa ilaa £5,000.

Shirkadaha waawayn waxaa u shaqeeya in ka badan 10m oo qof gudaha dalka UK. Shan ka mid ah oo kaliya ayaa daabacay heerka farqiga lab iy dheddig shaqaalahooda, iyadoo aan cidna ku qasbin.

Afhayeen u hadlay dowladad wuxuu sheegay in farqiga lab iyo dheddig uu gaaray "heerkii ugu hooseeyay", isagoo intaa ku daran in sharciga hadda uu horseeday in in ka badan 275 shirkadooda, oo ay u shaqeeyaan 2.5 qof, ay dib u eegeen shaqaalahooda oo ay qaadayaan tallaabo ay ku simayaan lab iyo dheddigga shaqeeya.

Lahaanshaha sawirka Press Association

Ku xigeenka ra'iisul wasaaraha Nick Clegg wuxuu sheegay in suuqa shaqada uu wali yahay mid dumarka ka soo horjeeda. Ma aha wax la aqbali karo, iyadoo lagu jiro qarniga 21aad, in dumarka ay celicelis ahaan helaan mushaar ka yar kan ragga.

Sharciga ayaa looga doodi doonaan aqalka sare ee baarlamaanka maalinta Arbacada ah, iyadoo dowladdu soo jeedinayso in isbadal lagu sameeyo sharciga ganacsiga yar yar.

Sharciga ayaa dhaqangali kari laba iyo tobanka bilood ee soo socda.

Bishii November, tiro rasmi ah oo soo baxday waxay muujisay in farqiga laba iyo dheddig ee dhinaca mushaaraadku uu gaaray heerkii ugu hooseeyay.