Bangiyada Gariiga oo dib loo furay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Bangiyada Gariiga

Bangiyada Gariiga ayaa dib loo furay markii ugu horaysay saddex todoobaad. Safaf ayaa macaamiisha galeen iyadoo ay dhiganayaan lacag ayna bixinayaan biilashooda.

Laakiin xadidaada ayaa wali jirta, dadka ayaa baxsan kara oo kaliya afar boqol iyo labaatan euro toddobaadkii. Wali waxaa jira mamnuucid saaran lacagta dibadda loo diarayo, suuqa saamiyadana wuu xiran yahay.

Bangiga ayaa dib u furmay, kadib markii baarlamaanka Gariiga uu ansixiyay talaabooyin lagu dhimayo miisaaniyada, oo ka mid ah qorshaha caalamiga ee ammaahyada lagu badbaadinayo dhaqaalaha Gariiga.

Canshuurta waxyaalaha la iibsado iyo adeegyada ayaa korartay, canshuuraha kordhay waxaa ka mid ah gaadiidka dadwaynaha iyo maqaayadaha.