Volkswagen oo lagu samaynayo baaritaan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Volkswagen

Sharikadda Jarmalka ee sameysa baabuurta ee Volkswagen, waxay sheegtay inay toddoba bilyan oo dollar meel u dhigtay si loogu bixiyo kharashka, kaddib markii ay qiratay inay khiyaamo ka sameysay tijaabooyin laga qaaday qiiqa ay baabuurta hawada ku sii daayaan xaruntooda waddanka Maraykanka.

Volkswagen waxay wajahaysaa ciqaabo adag Maraykanka gudihiisa inay been abuureen macluumaad.

Wasiirka maaliyadda ee waddanka Faransiiska, Michel Sapin, ayaa ku baaqay in baaritaan ballaaran oo Yurub oo dhan ah lagu sameeyo qiiqa baabuurtu sii deyso. Kuuriyada Koofureed waxay sheegtay inay baaritaan u gaar ah ku bilaabeyso baabuurta Volkswagen.