Switzerland: Iibka baabuur VW oo la joojiyay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption ilaa 180,000 oo baabuur cusub ayay saamaynaysaa joojinta iibka.

Switzerland ayaa si ku meelgaar ah u joojisay iibinta baabuurta Volkswagen ee leh matoorka naftada oo ay ku xirnaan karaan qalabka hoos u dhiga qiiqa baabuurta ay hawada ku sii dayaan markii la tijaabinayo.

Waxay sheegeen in talaabadan ay saamayn doonto 180,000 baabuur oo aan wali la iibin ama la diiwaan galin.

Arrintan ayaa ka danbaysay, kadib markii VW oo ah shirkada ugu wayn ee adduunka ee baabuurta samaysa, ay qiratay inay qiyaano samaysay dalka Maraykanka markii la samaynayay tijaabooyin qiiqa baabuurta ay sii daayaan.

Mattias Mueller ayaa loo magacaabay inuu noqdo madaxa cusub ee Volkswagen fadeexda markii ay dhacday.

Wasaarada Cadaalada ee Maraykanka ayaa BBC u sheegtay inay ku biirayso baaritaanka ay Haya'dda Maraykanka ee Ilaalinta Deegaanka ay ku samaynayso VW.