Tanzania oo dhisanaysa dekadda ugu wayn B.Afrika

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dakada Dar es Salaam ayaa ciriiri noqotay iyadoo uu kordhay ganacsigii gobolka.

Dhisida dekadda ugu wayn Bariga Afrika ayaa laga bilaabay Tanzania. Dekadda Bagamoyo ayaa waxay qaadi kartaa labaatan milyan oo konteenar sanad walba, taasoo ah laba jibaar inta ay qaado dekadda magaalada Dar es Salaam.

Mashruuca ayaa waxaa ku bixi doonta ilaa kow iyo toban bilyan oo dollar, iyadoo lacagta badankeeda ay ka imaanayso Shiinaha.

Dowladda Tanzania ayaa sheegtay dekadda cusub inay u ogolaan doonto waddanka inuu kula tartamo Kenya ganacsiga gobolka iyo kan caalamiga. Waxaa la filayaa dhismaha inuu dhamaado laba sanno gudaheed.