IMF: Dhaqaalaha Afrika oo hoos u dhacaya

Lahaanshaha sawirka Getty

IMF ayaa sheegtay in dhaqaalaha Afrika ee dalalka saxaraha ka hooseeya uu kobci doono heerkii ugu hooseeyay tan iyo dhibaatooyinkii dhaqaale ee labada kun iyo sagaalka.

Warbixinteedii ugu danbaysay ayay sabab uga dhigtay hoos u dhaca dhaqaalaha saamaynta dhaqaalaha Shiinaha oo hoos u dhacay, kaasoo sababay inay hoos u dhacaan sicirka macdanta iyo shidaalka.

IMF ayaa hoos u dhigtay sadaalinteeda kororka dhaqaalaha Afrika ee sanadka oo ahaa 4.5 boqolkiiba iyadoo ka dhigtay 3.75 boqolkiiba.

IMF ayaa ugu baaqday dalalka Afrika inay balaariyaan meelaha lacagta dowladda ay ka soo galayso, inay hormariyaan canshuur qaadista iyo lacagta ay dowladda qarash garayso.