Hindiya iyo Afrika oo shiraya

Image caption Hogaamiyayaasha Afrika iyo Ra'iisalwasaaraha Hindiya ee shirka ka qayb galaya.

Hogaamiyayaasha in kabadan konton waddan Afrikaan ah ayaa ka qayb galaya shirka Hindiya iyo Afrika oo lagu hormarinayo ganacsiga. Shirka Hindiya iyo Afrika ee ka socda Delhi ayaa ah kii ugu waynaa waxaana ka hadlay Ra'iisalwasaaraha Hindiya Narendra Modi.

Hadalkiisii soo dhawaynta, ayuu Ra'iisalwasaaraha Hindiya uu ku tilmaamay Hindiya iyo Afrika inay yihiin meelaha rajada ay ka jirto dhaqaalaha adduunka.

Wuxuu sheegay in qarniga kow iyo labaatanaad ay ahayd qarnigoodii ay ku qaabayn lahaayeen kuna dhisi lahaayeen dhaqaalahooda.

Hindiya ayaa doonaysa qayraadka dabiiciga ee Afrika, halka Afrika ay doonayso inay ka faa'idaystaan aqoontooda dhinaca technonojiyadaiyo isgaarsiinta.