IMF oo hoos u dhigtay kororka dhaqaalaha

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Nigeria ayaa kamid ah dalalka dhaqaalahoodu uu hoos u dhacay kadib markii uu raqiis noqday shidaalka.

Hayadda lacagta adduunka ee IMF ayaa hoos u dhigtay saadaalinteeda kororka dhaqaalaha adduunka labada sano ee soo socota.

Waxay hadda saadaalinaysaa koror dhaqaale oo ah 3.4 boqolkiiba sanadkan iyo 3.6 sanadka 2017.

Hoos u dhigan, ayaa yimid kadib markii ay hoos u dhaceen dhaqaalaha waddamada soo koraya iyo waddamada horay u maraya sida Shiinaha.

Warbixin ay soo saartay IMF ayaa ka digtay kororka dhaqaalaha adduunka hadii aan si fiican loo maamulin waxyaabaha hortaagan.