Rabshado u dhaxeeya Tagsiilayaasha iyo darawalada Uber

Lahaanshaha sawirka Reuters

Xiisad ayaa ka dhex aloosan tagsiyada caadiga ah iyo kuwa u shaqeeya shirkadda Uber.

Ururka tagaasida ee dalka Kenya (KTCA) ayaa cabasho ka samaynayay sicirka hooseeya ee ay tagaasida Uber ee dalka Kenya ay dadka ku qaadaan, iyagoo wacad ku maray in ay ku qasbaan in aysan Kenya ka shaqaysan.

Shirkadda Uber, waxay ka howlgashaa dalal badan oo dunida ah.

Waxay ku shaqaysaa barnaamij dadka u saamaxaya in ay iska diiwaangaliyaa, kadibna si deg deg ah uu qofku ugu yeeran karo tagsi.

Dhowr dal ayay kala kulmeen cabashooyin kuwan la mid ah, kuwii ugu dambeeyay waxaa ahaayeen kuwo ka dhacay d magaalada Paris.