Google oo qiimaheedu kordhay

Lahaanshaha sawirka Reuters

Waxba ma iibiyaan oo aad soo qaadan kartid, lacagna toos uma siino. Hadana, kadib warbixinteedii ugu danbaysay ee lacagta ay hesho shirkada Alphapet oo leh Google, ayaa ka dhigtay shirkada ugu qiimaha badan, oo qiimaheedu yahay $520bn.

Marka siday Google u qiimo badnaatay?

Guusha Google ayaa ka timid nimankii aas aasay, Larry Page iyo Surgey Brin.

Waxay ogaadeen dhamaadkii 1990-meeyadii xogta badan ee internetka ku jirta in loo raadin karo sida ay u kala muhiimsan yihiin.

Markaas kadib horay ayay u socdeen, iyagoo malaayiin ka sameeyay xayaysiinta internetka soo dhaweeyay teknoolajiyada casriga ee adduunka.

Dadka intiisa badan ayaa u isticmaala Google, maalin walba: inay fiiriyaan hawada intaadan dalxiis aadin, inaad email ka dirsadaan, iyo inay ku turjumaan ilmahooda Faransiiska loo soo dhigo.

Laakiin guusha waxaa la socda shaki: in Google ay suuqa ku horayso inay tahay daacad, in awooda ay leedahay sida shirkadaha waawayn oo kale inay bixiso canshuur yar iyo in xogta ay dadka ka hayso ay siinayso awood badan.

Tan iyo markii la aas aasay shirkada 7 September 1998, shirkada ayaa waynaatay iyadoo hesha lacagta ugu badan ee laga helo xayeesiinta.

Halka Google ay ka leedahay habka ugu fiican ee wax looga raadiyo internetka, Brian Wieser, oo ka tirsan Pivotal Research Groop, ayaa sheegay inay ahayd guushii ay gaareen bilowgii inay u suurto galisay qibrad iyo xog u ogolaanaysa inay si dhaqso u hormaraan.

"Waxa badan oo aad ka og tahay dadka waxay doonayaan markay wax raadinayaan, waxaad soo heli kartaa waxa saxda ah ee ay raadinayaan. Lacag badan ayaa ku baxda adeegan, iyadoo xarumo xog ay taageeraan. Sidaas darteed Google kaliya ayaa adeegan ugu horaysa".