Ma la badbaadin karaa qorshaha dhaqaale ee Japan?

Image caption Ra'iisalwasaaraha Japan ayaa loogu magac daray qorshaha Abenomics.

Ma waxaan arkaynaa dhamaadkii qorshihii waynaa ee dib loogu soo celin lahaa dhaqalaha Japan oo ah kan saddexaad ee ugu wayn adduunka inuu shaqayn waayo?

Labadii toddobaad ee ugu danbeeyay bangiga dhexe ee Japan ayaa dulsaarkii lacagta ka dhigay meeshii ugu hoosaysay oo ka yar eber markii ugu horaysay, si loo dhiirigaliyo maalgalinta iyo wax iibsiga.

Image caption Saamiiyada shirkadaha ayaa hoos u dhacay 8% labadii toddobaad ee ugu danbeeyay.

Laba maalin toddobaadkii hore suuqa saamiyada Japan ayaa hoos u dhacay 8%, iyadoo uu lumiyay lacagtii ku korortay labadii sano ee la soo dhaafay.

Tirada wax soo saarka Japan (GDP) ayaa sheegaysa in dhaqaalaha Japan uu hoos u dhacayo.

Image caption Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Japan Haruhiko Kuroda ayaa dulsaarka hoos uga dhigay eber si loo dhiiri galiyo maalgashiga.

Waxyaabahan oo idil ayaa u ah war aan fiicnayn ra'iisal wasaare Shinzo Abe iyo gudoomiyaha bangiga dhexe Haruhiko Kuroda.

Qorshahan lagu soo celinayo dhaqaalaha Japan ayaa loogu magacdaray Abenomics iyadoo uu wato magaca ra'iisal wasaaraha.

qorshahan waxaa ka mid ah in bangiga dhexe ee Japan uu daabaco lacag tiro badan.

Image caption Saddexda falaar ee lagu kordhinayo dhaqaalaha.

Saddexda falaar ee qorshaha dhaqaalaha ee Abenomics ee Japan:

  • In la kordhiyo lacagta la daabaco si looga hortago qiimo dhac ku yimaada alaabada.
  • In la kordhiyo lacagta ay dowladda qarash garayso si loo kordhiyo dhaqaalaha.
  • In isbadal lagu sameeyo dhaqaalaha si loo kordhiyo wax soo saarka iyo tartanka caalamka.
Image caption Japan ayaa ka mid ah waddamada ugu wayn ee dhoofiya baabuurta.

Abe iyo la taliyayaashiisa ayaa og waxa ugu fudud ee dhaqaalaha kor loogu qaadikaro inay tahay kordhinta wax dhoofinta.

Sababta waxay tahay dadka Japan ayaa da'doodu waynaanaysaa oo yaraanaya. Markii la gaaro sanadka markuu yahay 2020 Japan dadkeeda wuxuu yaraanay 600,00 sanadkii.

Inuu dhaqaalaha kordho iyadoo dadka ay duqoobayaan, ayna yaraanayaan ayaa ah wax adag.

Laakiin Japan ayaa wali ah wadan wax soo saarkooda warshadaha uu wayn yahay, waxaa la aaminsan yahay in hadii alaabta Japan raqiis laga dhigo ajnabiga inay gadanayaan.

Hoos u dhaca qiimaha Yenka
Image caption Dowladda ayaa ka cabsi qabta qiimaha lacagta Japan oo kordhaya taasoo qaali ka dhigi doonta alaabta Japan in la gato.

Didaas darteed 2012 ilaa 2014-kii qiimaha Yen ee lacagta Japan ayaa hoos loo riday marka lagu sarifayo dollarka, iyadoo 120 Yen lagu iibinayo halkii dollar.

Alaabada Japan ee la dhoofiyo ayaa ka faa'idaystay. Sanadkii 2014-ka Toyata ayaa samaysay $18 bn oo ah faa'iidadii ugu badnayd.

Laakin dowladda Japan ayaa walaacsan sababtoo ah lacagta Japan ayaa hadda soo xoogaysanaysa, iyadoo labadii toddobaad ee ugu danbeeyay uu halkii dollar noqday 112 Yen.