Saamaynta haddii ay UK ka baxdo Midawga Yurub

Image caption UK iyo Midawga Yurub

Hadii ay UK ka baxdo Midowga Yurub waxay la kulmi doontaa “caaqiibo xumo dhaqaale” waxaana dalku waayi doonaa sannadiiba £100 bilyan oo, ku dhawaad hal malyuun oo qofna way shaqo beeli doonaan, sidaa waxa lagu sheegay warbixin uu soo saaray ururka isu tagga warshadleyda ingiriisku.

Ururuku wuxu sheegay in daraasad ay ku ogaadeen in hadii loo codeeyo in laga baxo Midowga Yurub la mudan doono “cawaaqib xun” oo aan sannado badan laga soo waaqsan doonin. Waxay intaa ku dareen in dalku waayi doono boqolkiiba 5 guud ahaan dakhligiisa iyo 950,000 oo shaqo marka la gaadho sannadka 2020.

Hase yeeshee, ninka hogaaminaya ololaha lagaga baxayo Midowga Yurub, Mathew Elliott, ayaa sheegay in shaqaalaynta iyo dhaqaaluhuba kobci doonaan marka laga baxo.

Carolyn Fairbairn oo ah madaxa ururkan warbixinta soo saaray ayaa iyaduna sheegtay hadii loo codeeyo in laga baxo Midowga Yururb in arrintaasi si wayn u saamayn doonto heerka nolosha, shaqooyinka iyo dhaqaalahaba.