Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Visa oo adeeg ka bilawday Soomaaliya

Bangiga Premier ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hirgaliyay Soomaaliya adeega kaararka lacagaha lagula baxo ama wax lagu iibsado ee VISA.

Heshiis dhexmaray bangiga Premier iyo Shirkadda VISA, ayaa u suurtagalinaysa macaamiisha haysta kaarka VISA in ay ku isticmaali karaan mishiinada ATM-yada ee bangiga Premier ee ku yaala Soomaaliya.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay madaxa hawlfulinta bangiga Premier Cabdirisaaq Maxamad Axmad, wuxuuna marka hore weydiiyay bal in uu sharaxo adeegan cusub ee ay soo kordhiyeen.