Sacuudiga oo ammaahanaya $10 bilyan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shirka waddamada shidaalka soo saara ayaa lagu heshiin waayay dhimista wax soo saarka.

Sacuudi Carabiya ayaa lagu soo waramayaa inay bangiyada caalamiga ka ammaahan doonto $10 bilyan si ay uga kabato sicirka shidsaalka ee hoos u dhacay.

Reuters ayaa sheegtay in Sacuudiga uu doonayay ilaa $8 bilyan, laakiin baahida oo badatay awgeed inay keentay wasaarada maaliyada ay kordhiso ammaahda ay qaadanayso.

Waa markii ugu horaysay ay ammah ka qaadanayaan suuqyada caalamiga tan iyo horaantii 1990-yadii markii Ciraaq ay weerartay Kuwait.

Lacagta ay ka hesho shidaalka ayaa hoos u dhacday 23% sanadkii hore.

Ammaahda oo la filayo in la gabagabeeyo bisha dhamaadkeeda, ayaa ka caawin doonta Sacuudiga inay yarayso sida ay ugu tiirsan tahay bangiyada waddanka.

Talaabadan ayaa timid maalmo ka dib, markii ay kulmeen waddamada ugu wayn ee dhoofiya shidaalka oo ay ku heshiin waayeen in la dhimo shidaalka.

Sicirka shidaalka ayaa hoos u dhacay 66% tan iyo 2014-kii iyadoo ay sabab u tahay shidaal badan oo suuqa yaala, baahida oo yaraatay iyo tartan ka imaaday shidaalka shale ee Maraykanka uu soo saaro.