Shirkadaha Maraykanka Shiinaha 'lagama jecla'

Lahaanshaha sawirka reuters
Image caption isfahan in uu jiro ayaase la tilmaamay

Xoghayaha wasaaradda maaliyadda ee Maraykanka Jack Lew, ayaa sheegay in shirkadaha Maraykanku ay si isa soo taraysa u dareemayaan in aan laga jeclayn dalka Shiinaha.

Lew wuxuu ka hadlayay kulan gaar ah oo garab socda wadahadalka sanadlaha ah ee Maraykanka iyo Shiinaha.

Wuxuu ku baaqay in Shiinuhu uu sharcigiisa ku dabaqo ganacsiyada Shiinaha iyo kan ajaaniibtaba uuna ilaaliyo xuquuqda hal abuurka.

Lew ayaa markii dambe qiray in Shiinuha au ka go'an tahay dhimidda wax soosaarka birta iyo in uu shaacinayo xogta dhaqaalaha oo xaqiiqada uga dhaw sidii hore.

Arrintaas ayuu weriyaha BBC-du ku tilmaamay mid is fahan keenaysa.

Ururka ganacsiga Yurub ee Shiinaha oo maanta soo saaray xog ayaa muujinaya in kala bar ganacsiyada yurub ay qorshaynayaan in ay balaariyaan sanadkan.

Arrintaas ayaa boqolkiiba sideetan ka hoosaysa saddex sano kahor marka la barbar dhigo saddex sano kahor sidii ay xaaladdu ahayd.