Britain oo amaahatay lacagtii ugu yarayd sanooyin badan

Lahaanshaha sawirka AFP

Dowladda Britain ayaa amaahatay £25.6 bilyan saddexdii bilood ee ugu danbaysay ee ilaa dhamaadkii bishii June, taasoo ka yar £2.3 bilyan sanadkii hore waqtigan.

Bishii June kaligeed ayay dowladda amaahatay £7.8 bilyan.

Dowladda ayaa qarashgaraysa in ka badan lacagta ka soo gasha canshuurta sanad walba tan iyo sanadkii 2002-dii.

Laakiin bishii June lacagta dheeraadka ah ee ay dowladda qarashgarayso ee ka badan lacagta soo gasha oo loo yaqaan (Budget deficit) ayaa hoos u dhacday oo noqotay £7.8 bilyan iyadoo hoos uga dhacday £9.3 bilyan oo la filanayay in la amaahdo.

Lacagta lagu leeyahay Britain ayaa dhan £1, 621bilyan (Trillion iyo 621 bilyan).

Mowduucyada la xiriira