Jeff Bezos waa maalqabeenka saddexaad ee caalamka

Lahaanshaha sawirka Getty
Image caption Jeff Bezos, waa aasaasaha shirkadda Amazon

Ninka asaasay shirkadda Amazon, Jeff Bezos, ayaa noqday qofka saddexaad ee dunida ugu taajirsan, sida ay qortay jariiradda Forbes.

Mr Bezos oo leh boqolkiiba 18 saamiga Amazon, ayaa hantidiisa lagu qiyaasay 65.3 bilyan oo dollar.

Waxaa kaalinta koobaad ee taajirnimada weli ku jira Bill Gates, oo ah ninka asaasay shirkadda Microsoft, kaas oo maalkiisa lagu qiyaasay 78 bilyan oo dollar.

Kaallinta labaadna waxaa ku jira Amancio Ortega, oo sameeyay shirkadda Zara, maalkiisana uu dhan yahay 73.1 bilyan oo dollar.

Dakhliga sanadkan soo galay Amazon, ayaa boqolkiiba 31 ka badan kii sanadkii hore xilligan oo kale.

Shirkadda ayaa ka shaqeysa ganacsiga ku dhisan internet-ka.

Mowduucyada la xiriira