Laanta Soomaaliga

Laanta Soomaaliga ee BBC waxa ay shaqadeeda bilawday 18-kii Luuliyo 1957, waxaana lagu bilaabey in ay hadasho toddobaadkiiba laba jeer oo min 15 daqiiqo ah, hase ahaatee, si isdabajoog ah, ayaa marba loo kordhinayey muddada idaacadda ilaa ugu dambeyntii bishii Sebtember 1958-kii laga dhigey 15-kii daqiiqo ee idaacadda maalin walba.

Markii ugu horreysay, subaxnimada waxa la sii deyn jirey wararka caalamka, gelinka dambena waxa la sii deyn jiray faallo ku saabsan wararka wakhtigaas taaganaa.

1dii luulyo, 1961-kii (Sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay gobanimada Jamhuuriyadda Soomaaliya) ayaa labadii barnaamij ee ahaa warka iyo faallada ee labada wakhti kala bixi jirey la isku darey, waxaana la kordhiyey wakhtigii barnaamijka oo halkii uu 15-ka daqiiqo ka ahaa ayaa laga dhigay 30 daqiiqadood (1430 - 1500 GMT oo ku beegan 530 - 600 pm wakhtiga Geeska Africa).

25-kii Maarso ee 2000, ayaa la kordhiyay waqtiga Laanta Soomaaliga, ayadoo uu isku badalay sidan:

Muddadii sanadaha ahayd ee u danbeysey ayaa Laanta waxaa u suurta gashey - markii ugu horreysey - in ay sameyso weriyeyaal wararka uga soo dira Mugdisho, Hargeysa, Boosaaso iyo Kismaayo. Taasina waxa ay keentay in Laantu xog-ogaal u ahaato arrimaha dhinaca siyaasadda iyo kuwa bulshadaba ee Soomaaliya.

Weriyeyaashaas joogga meelaha kala gadisan waxa ay ku dadaalaan, oo mararka qaarkoodna ay naftoodaba khatar u geliyaan in ay wararka soo gaaraya soo xaqiijiyaan, isla markaana ay hubiyaan wixii run ah iyo wixii kale.

Waxaa kaloo la soo kordhiyay Idaacadda 2-da duhurnimo saacadda geeska Afrika oo u dhiganta 11:00 GMT oo aanu ku soo qaadanno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka.

Wakhtigaas ayaa noqday wakhti aad ugu habboon dhegeysiga BBC-da ee dalalka Geeska Africa ee dadka Soomaaliyeed ay ku nool yihiin.

Aakhrikii waxaa idaacadda lagu soo kordhiyay 07:00 geeska Afrika oo la dhegeysto wararkii ugu dambeeyay.

Barta internertka ee ayaa iyaduna wararka si joogta ah u daabcda, iyada oo idaacaddana cod ahaan bartan looga dhegeysan karo meel kasta oo aad dunida ka joogto.

Waxaa haatan BBC-da xafiiska London ka shaqeeya:

Axmed Cabdi Nuur

Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq

Cabdiraxmaan Maxamed Aaden (Koronto) Tifaftire BBC Somali

Cabdiraxmaan (Bidhaan) Xaaji Daahir

Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad

Cismaan Cabdi Xassan

Farxaan Maxamed Jimcaale

Kati Ciise

Maxamed Maxamuud Cadde

Xafiiska Nairobi

Ahmed Xaaji Xassan

Cabdifitaax Ibrahim Cagayare

Cabdirisaaq Catoosh

Cabdullaahi Sheekh

Faarax Lamaane

Fardowsa Maxamed Cilmi

Maxamud Cali

Maxamed Cabdiraxmaan

Suheba Mohamed Badqas

Xasan Cali Geelle

Muqdisho

Ibrahima Mohamed Aden

Hargeisa

Axmed Siciid Cige

Garisa

Bashkad Jugsoodhacay

Washington/Minneapolis

Maxamed Xaaji Xuseen

Telefoonada London:

+442036144040

+442036144001

+442036143534