Su’aalaha inta badan la is weydiiyo (FAQ)

Maxaad u soo rogtay xayeysiinta lagu samaynayo shabakaddan BBC?

Si loo taageero mihnadeenna saxaafadda, loona yareeyo culayska dadka bixiya lacagta ruqsadda, ayaa BBC, si waafaqsan tilmaamaha xukuumadda, waxay ogolaatay in qaybta dibadda la hadasha ay ku samayso dhaqdhaqaaq xaddidan oo xagga ganacsiga qaar ka mid ah laamaheeda. Wakhti xaadirkan xayeysiin ayaa la soo dhigay dhowr shabakadaha luqadaha ah, waxaana laga sii daayaa FM maxalli ah oo laga dhagaysto Berlin.

Waxaan joogaa UK laakin waxaan u jeedi karaa xayeysiimo ku soo baxa baraha BBC? Waa maxay sababta?

Waxaan ku dadaalaynaa in aan hubsanno in macaamiisha joogta dibadda UK ay arkaan xayeysiimaha, waxaana loo isticmaalayaa tiknoloji sarreeya si taas loo gaaro. Haddaba haddii aad bar BBC ka eegeyso gudaha UK, aadna arkayso xayeysiimo, fadlan email nagu ogeysii sida ugu dhakhsiyaha badan.

Sidee baan BBC ula xiriiri karaa oo aan wax uga weydiin karaa xayeysiin?

somali@bbc.co.uk

Akhbaar dheeraad ah oo ku saabsan xayeysiinta BBC waxaa laga heli karaa URLs ka soo socda:

Ma danaynaysaa in aad BBC wax ku xayeysiisato? Riix halkan si aad akhbaar dheeraad ah u hesho (ENGLISH)

Sidee go'aan uga gaarnaa xayeysiimaha aad ku aragto baraheenna? Riix halkan si aad akhbaar dheeraad ah u hesho (ENGLISH)