Isticmaalka Barta Internet-ka BBC-da

Waxaan kugu caawinaynaa sidii aad uga faa'iidaysan lahayd bogga.

Ma dhib baa kaa haysta dhagaysiga? Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo in aad rakibato audio player?

Bartan, waxaad ka dhagaysan kartaa dhamaan barnaamijyada BBC-da laanta af-soomaaliga. Idaacadda aad doonayso in aad dhagaysato waxaad ka xulan kartaa liiska dhagaysiga ee dhinaca midig ee barta internet-ka BBCda Soomaaliga.

1. Guji calaamadda dhagaysiga Idaacadda aad doonayso, waxaad maqlaysaa barnaamijka.

2. Bogga kuu soo baxa, waxaa ku qoran akhbaar gaaban oo ku saabsan faahfaahinta barnaamijka aad dhagaysanayso iyo calaamadda dhagaysiga oo ay ku qoran tahay dhagayso.

3. Guji calaamadda Daar Raadiyaha si aad u bilowdo dhagaysiga.

Wixii faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heli kartaa barta internet-ka BBC ee caawinta: http://www.bbc.co.uk/help/