Wasiirro is casilay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wasiirka Tacliinta Sare, Maxamed Cabdullaahi Omaar, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xasan Macallin, ayaa labaduba London isku casilay.

Image caption Omaar wuxuu hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasiiru Dowlaha Difaaca, Yusuf Siyaad Indhacadde ayaa isaguna is casilay.

Omaar wuxuu hore u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Isaga oo aan filanayn, lagana wargelin ayuu idaacadaha ka dhegeystay in xilkii laga wareejiyay. Taas oo markaa si weyn uu uga carooday. Hase yeeshee, arrintaa is faham ayaa laga gaaray.

Labada Wasiir ee kale waa niman ku dhow dhow Madaxweynaha oo dowladda dhinaciisa ka soo galay.

Xasan Macllin wuxuu ahaa gacan yarihiisa, maalmihii uu Shiikh Shariif ku jiray Olalaha doorashada iyo markii uu Madaxweyne noday labadaba.

Ka dib wuxuu u dallacay Wasiiru Dowle, waxaana lagu tirayaa intii Shiikh Shariif xilka hayay in uu Xasan macallin ka mid yahay ragga xogta ugu badan u xafiday.

Image caption Indhacadde, wuxuu madax u ahaa ciidankii Maxkamadaha

Yusuf Siyaad Indhacadde waxay Shiikh Shariif wada shaqeynayeen ilaa iyo berigii Maxkamadaha oo Indhacadde uu madax u ahaa ciidanka.

Markii uu Madaxweynuhu hadda ka hor sheegay in uu shaqada ka fariisiyay Ra'iisal Wasaaraha, wuxuu Indhacadde ahaa Wasiirka keliya ee si aan qarsoodi lahayn u eedeeyay raiisal Wasaaraha.

Ugu yaraan hal Wasiir oo kale ayaa la sheegay in uu isaguna is casilay.

Laba ayay mid noqon kartaa.

In ay ka saluugeen waxqabad la'aanta dowladda iyo in tani ay tahay shirqool loogu dan leeyahay in looga takhaluso Ra'iisal Wasaaraha.