Teknolojiga iyo saxaafadda Soomaaliya

Soomaaliya waxay lahaan jirtay laba Radio, hal TV iyo hal wargeys oo intaba ay dowaldda Soomaaliya leedahay maamuushana.

Hadda waxaa soo baxay radio, tv, wargeys iyo bar internet fara badan oo intooda badan ay sheegtaan madax bannaani.

Waxaa kale oo jira facebook, youtube iyo teknooloji kale oo saameyn ku yeeshay saxaafadda.

Haddaba, maxay tahay saameynta uu horumarka saxaafaddu ku yeelan karo saxaafadda Soomaaliya.

Wargeysyadu ma dhiman doonaan? Raadiye mustaqbal ma leeyahay? TV maxaa looga baahan yahay haddii youtube la haysto iyo baro internet oo video soo gudbinaya?

Mise waxa oo dhami weys garab yaaci doonaan?

Horumarka internetka Soomaaliya maxay gaabis u tahay? Goorma ayayse Sharikadaha Isgaarsiintu aqbali doonaan in ay internet jaban isla markaana xawaare badan ay u diyaariyaan Soomaalida?

Ra'yigaaga ka dhiibo.

Email (Somali@bbc.co.uk); SMS (+44 77 86 20 50 85); ama Facebook http://www.facebook.com/bbcsomali