Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Geerida Cabdullaahi Yusuf

Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf Axmed wuxuu ku dhashay tuulo ku dhow magaalada Garowe sannadkii 1934-tii sida uu ku qoray buuggiisa Halgan iyo haragrdaamo.

Wuxuuna ciidanka Soomaalida ka gaaray darajada Gashaanle Sare. Waxay rafiiq ahaayeen Genereal Caydiid oo isku gobolna ahaayeen, isla xirnaan jireen, dagaalkii Ethiopia ay ka wada qayb galeen isla markaana heshiis meelmar noqday ay ka gaareen colaad Gaalkacyo ka taagnayd horraantii 90-maadkii.

Cabdullaahi Yusuf Axmed waxaa uu ka badbaaday dil lagu xukumay laguna fuliyay rag ay saraakiil wada ahaayeen oo isku dayay afgembi militeri sannadkii 1978. Dalka ayuu dibadda uga cararay wuxuuna billaabay in uu ka soo jabhadeeyo dalka Ethiopia isaga oo madax u noqday jabhaddii SSDF.