Abaalmarinta BBC ee cayaaryahanka Africa 2014

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Xulidda shanta nin abaalmarinta cayaaryahanka kubadda cagta ee BBC Africa 2014 ayaa la soo saaray. Yaya Toure oo sanadkii hore ku guulaystay walina haysta abaalmarinta ayaa liiska ku jira sanadkii lixaad oo xiriir ah, waxaa kaloo ku jira liiska Pierre-Emerick Aubameyang, Yacine Brahimi, Vincent Enyeama iyo Gervinho.

Qofka guulaysanaya waxaa go’aaminaya taageerayaasha kubadda cagta Africa, oo haysta ilaa 1800 GMT ee maqribnimada maalinta Isniinta ee 24-ka November in ay codkooda siiyaan cayaaryahanka ay danaynayaan.

Halkan Codkaaga ka dhiibo

Ama ku codee qoraal Cayaaryahanka Kubadda Cagta Africa ee BBC sanadka, soo qor nambarka cayaaryahanka aad codkaaga siinaysa, oo u soo dir: +44 77 86 20 20 08

  • Soo qor 1 si aad ugu codayso Pierre-Emerick Aubameyang
  • Soo qor 2 si aad ugu codayso Yacine Brahimi
  • Soo qor 3 si aad ugu codayso Vincent Enyeama
  • Soo qor 4 si aad ugu codayso Gervinho
  • Soo qor 5 si aad ugu codayso Yaya Toure

Sicirka caadiga caalamiga ee qoraalka ayaa shirkadaadu kaa qaadi kartaa. Fadlan ka hubi. Codaynta qoraalka, waxay ku kooban tahay. Codaynta SMS waxay ku kooban tahay Hal cod halkii mobile-ba. Shuruudaha Codaynta.

Guulaystaha waxaa lagu dhawaaqi doonaa Isniinta, 1 December.

Afar ka mid ah kuwa la soo xulay waxay ka cayaareen koobka adduunka ee Brazil, oo markii ugu horaysay taariikhda koobka laba koox oo African ah ay ka gudbeen wareegga koowaad ee kooxaha. Goolhaye Enyeama ayaa cayaaray 16 kulan oo uu u saftay kooxda dalka Nigeria, iyadoo Brahimi uu isla heerkaas la gaaray kooxda Algeria.

ENYEAMA

Enyeama, 32, ayaa koobka tagay iyadoo heer fiican uu la gaaray naadiga Faransiiska ee Lille – 21 kulan ayaan wax gool ah laga dhalin xilligii la soo dhaafay.

BRAHIMI

Gudaha dalka Spain, weeraryahanka Brahimi's ee kooxda Granada waxay horseedeen in loo magacaabay cayaaryahanka dalka xilligii tagay, isagoo kadib ku biiray kooxda Porto.

Labada cayaaryahanba way sii wadeen dadaalkooda heerka naadiga oo ay ka muuqdeen cayaaraha adduunka, iyadoo ishu qabanaysay guulahooda waawayn – sida uu u muuqdayba weeraryhanaka kooxda Ivory Coast ee Gervinho.

GERVINHO

Cayaarhanka Naadiga Roma ayaa ku soo baxay Talyaaniga tan iyo markii uu ka tagay kooxda England ee Arsenal, isagoo dhaliyay toban gool 39 kullan oo uu cayaaray Serie A-da Talyaaniga.

Isaga iyo cayaaryahanka ay isku dalka yihiin ee Toure kama aysan gudbin group-kooda cayaarihii Brazil, balse shaqsi ahaan labadoodaba waxay soo mareen xilliyo xiiso badan.

TOURE

Cayaaryahanka qadka dhexe Toure wuxuu ka soo kabsaday muran uu la galay naadigiisa Manchester City in ay xoogaystaan isagoo gacan ku siiyay in muddo sadex sano ah ay laba koob qaataan. Waxaa kaloo ay ku guulaysteen koobka Capital One.

AUBAMEYANG

Inkastoo weeraryahanka Aubameyang uusan ka cayaarin Brazil – sababo la xiriir Gabon oo aan soo bixin – hadana waxaa sanadkan loo soo magacaabay sanadkii labaad oo xiriir ah oo uu liiska soo galay.

Shan iyo labaatan jirka ayaa sanadkiisii labaad hadda la jooga kooxda Germany ee Borussia Dortmund iyadoo horumarkiisa si gaar ah looga dareemayay tartanka Champions League oo ilaa hadda uu ka dhaliyay sadex gool tartanka hadda socda.

Waxaa horay ugu guulaystay abaalmarinta BBC ee cayaaryahanka sanadka Africa:

TAARIIKHDA ABAALMARINTA

  1. 2013 - Yaya Toure (Ivory Coast & Manchester City)
  2. 2012 - Chris Katongo (Zambia & Chinese Construction)
  3. 2011 - Andre 'Dede' Ayew (Marseille & Ghana)
  4. 2010 - Asamoah Gyan (Sunderland & Ghana)
  5. 2009 - Didier Drogba (Chelsea & Ivory Coast)
  6. 2008 - Mohamed Aboutrika (Al Ahly & Egypt)
  7. 2007 - Emmanuel Adebayor (Arsenal & Togo)
  8. 2006 - Michael Essien (Chelsea & Ghana)
  9. 2005 - Mohamed Barakat (Al Ahly & Egypt)
  10. 2004 - Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
  11. 2003 - Jay Jay Okocha (Bolton & Nigeria)
  12. 2002 - El Hadji Diouf (Liverpool & Senegal)
  13. 2001 - Sammy Kuffour (Bayern Munich & Ghana)
  14. 2000 - Patrick Mboma (Parma & Cameroon)