Saameynta baraha bulshada ay ku wada xiriiraan

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Calamaada Faceboog

Malaayiin, ayaa daawatay hooyo Maraykan ah, oo ogaatay in gabadheeda oo 13-jir ah, ay iska dhigtay in ay jirto 19, iyadoo isticmaalaysa baraha bulshada sida Facebook. Hooyadan ayaa fiidiyoow ay ku muujinayso sida ay uga carootay arrintan waxay soo dhigtay aalada dadka ay ku wada xiriiraan ee Facebook.

Ma saxan tahay in gabar aan qaan gaarin la ceebeeyo?

Val Starks, oo ah haweenayda dhashay gabadhan, ayaa waxay ogaatay in gabadheeda oo 13-sano jir ah, ay laheyd bog Facebook ah, ayna iska dhigtay in ay aad uga weyn tahay da’da ay jirto.

Arrintu intaa kuma eka, ee gabadhan yar, waxay sidoo kale bogeeda u isticmaali jirtay in ay kula sheekaysato rag ka waaweyn, waxayna sidoo kale bogeeda gelisay sawirro ay xiran tahay nigis oo kaliya.

Hooyada gabadhan dhashay, ayaa Facebook soo gelisay fiidiyoow ay ku canaanayso gabadheeda, si ay u ciqaabto.

Fiidiyowgan, oo soconaya ilaa shan daqiiqo, ayaa waxa daawaday ilaa11 Milyan oo qof markii la soo dhigay Facebook ama sii gudbiyay.

Waxaa Fiidiyowga lagu arkayaa haweenaydan, oo ku soo celcelinaysa in gabadheeda, ay dadka u sheegto da’ada runta ah ee ay jirto, waxayna u sheegtay in ay ka mamnuucayso in ay daawato Tv-ga ama gasho internet-ka muddo dhowr bilood ah

Fidowgaas, ayaa marka uu marayo kala bar waxa lagu arkayaa gabadha yar oo ooynaysa, oo ka baryaysa hooyadeed in aan lagu qasbin in ay aado iskuulka maalinta xigta, balse hooyadeed ayaa u muuqata in aysan dhag u dhigaynin baroorta inanteeda.

Haweenaydaan, oo BBC-du ay la hadashay, ayaa sharaxday sababata ay Fiidiyowgaas u soo dhigtay Facebook.

Waxay sheegtay in ay horay xabsi ugu gashay dambiyo ay gashay, taasoo dhibaato ku noqotay in ay shaqo hesho markii ay ka soo baxday xabsiga.

Waxay sheegtay in ay doonayso in aysan caruurteedu raacin wadadii ay iyadu martay. Waxay sheegtay in ay tahay haweenay qaadata go’aanno aan wanaagsanayn oo marka dambana lagu ciqaabay, waxay sheegtay in haddii caruurta ay qalad galaan ay lagama maarmaan tahay in loo ciqaabo qaladka ay sameeyeen.

Fiidiyowgan, ayaa waxaa ra’yigooda ka soo dhiibtay 10,000 oo qof oo dunida oo dhan ah, oo ku kala ra'yi duwan. Qaar ayaa taageeraya arrintan ay hooyada samaysay, oo waxay leeyihiin gabadha haddii ay gashay qalad waa in ay qirataa dambigeeda.

Dadka qaarna waxa ay leeyihiin sidee u canaanan kartaa cunugaaga, ama aad u caburin kartaa. Taas ayay ku tilmaameen in ay waxyeelaynayso koriimada caqli ee caruurta.