Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Donald Trump ayaa si rasmi ah u nqoday madaxweynaha 45 ee dalka Mareykanka
  2. Wuxuu xilka kala wareegay Barack Obama
  3. Trump ayaa jeediyay khudbad isagoo sheegay in uu mudnaanta koowaad siin doono danaha Mareykanka
  4. Dad taageersan iyo dad diidan Trump ayaa ku sugan Washington iyadoo Sabtidana la filayo inuu dhaca muddaaharaad ballaaran

Tebin toos ah

time_stated_uk

Intaas ayaan ku joojinay tebintii tooska ahayd!

Waadna ku mahadsantihiin la socoshadiina meel kastoo aad dunida ka joogtaan.

Taageerayaal Trump oo "ku dhintay" Nigeria

Booliska Nigeria ayaa gaas u adeegsaday dibad baxayaal si ay u kala ceyriyaan.

Dibad baxayaasha ayaa taageeraayay Donald Trump, sida wararka ay sheegayaan.

Koox ka mid ah dibad baxayaasha waxay sheegayaan in 11 qof ay rabshada ku dhinteen, balse booliska ayaa beeniyay.

Dibad baxa waxaa qaban qaabiyay koox dooneysa in Trump uu aqoonsado madaxbannaanida Biafran ee qowmiyadda Igbo.

Dibax baxayaasha
Nwokoleme Samue
Dibax baxayaasha

Dibad baxayaal lagu xiray Washington DC

Sarkaal ka mid ah Booliska Washington DC ayaa BBC-da u sheegay in 95 qof oo dibad baxayaal ah lagu xiray magaalada.

Laba askeri ayaa ku dhaawacantay dibad baxyada oo ay sameynayaan dad diidan madaxtinimada Trump.

Dibax baxyada oo gaaray Washington

Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegay in magaalada Washington uu ka socdo dibad bax ka dhan ah madaxtinimada Trump. 

View more on facebook

Dibad baxyo ka dhan ah Trump

Meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah ayaa laga soo sheegayaa dibad baxyo ka dhan ah Trump.

Mareykanka Gudihiisa ayaa sidoo kale dibad baxyo ay ka socdaan.

View more on facebook

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK oo u hambalyeeyay Trump

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK, Boris Johnson ayaa madaxwaynaha Maraykanka  Donald Trump ugu hambalyeeyay xilka uu la wareegay, wuxuu sheegay in Britain ay kala shaqayn doonto ammaanka iyo horumarka caalamka.

UK
AFP

Sawirada labada madaxweyne laga wada qaaday

Trump iyo Obama

Way kaftamayaan
EPA
Way kaftamayaan
Trump oo isu doiyaarinaya shaqada
Reuters
Trump oo isu doiyaarinaya shaqada
Heesta Qaranka oo ay qaadayaan
Getty Images
Heesta Qaranka oo ay qaadayaan
Obama iyo Trump iyo xaasaskooda
Reuters
Obama iyo Trump iyo xaasaskooda
Ayagoo is macsalaameynaaya
EPA
Ayagoo is macsalaameynaaya

Is barbardhig xilligii Obama iyo Trump

Xilligii la dhaarinayay Obama ee 2009-kii ayaa ka dad badneyd maanta oo Trump loo dhaariyay xilka madaxweynaha Mareykanka. 

Isbarbardhig
BBC
Isbarbardhig

Shan arrimood oo Trump uu ka yiri Soomaalida

 Aan dib u milicsano shan arrimood oo Donald Trump uu ka yiri Soomaalida  

Shan arrimood oo Trump uu ku sheegay Soomaalida

DAAWO: Trump iyo reerkiisa oo aqalka cad ku damaashaadaaya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo reerkiisa oo dhex fadhiya kuraastii ay Obama iyo reerkiisa ay ku fariishan jireen. 

View more on facebook

Obama oo u mahadceliyay taageerayaashiisa

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa yiri: "Markaan bilownay safarkan, waxaan sidaas ku sameynay isku kalsoonaan ka timi shacabka Mareykanka iyo awoodooda, si aan gacmaha isu qabsano oo dalkan aan u badalno."

Waan ognahay "is bedelka kama yimaado kor ee hoos ayuu ka bilowdaa".

"This has been the privilege of my life," Obama says at Joint Base Andrews. bos.gl/mgHresh

Daawo: Trump oo Aqalka Cad ka macsalaameeyay Obama

Obamow Macsalaama!

Obama  iyo xaaskiisa  ayaa raacay diyaaarad milatari oo geysay Andrews Air Force Base.

 Diyaarad kale ayay ka sii raaci doonaan iyagoo damaashaad iyo dalxiis u aadi doono gobolka  California.

Madaxweyne ku xigeenkii hore Joe Biden iyo xaaskiisa ayaa  waxay raaci doonaan tareen u soo qaadi doona gobolka ay ka soso jeedaan ee Delaware.

Obama oo ka tagay Washington
BBC
Obama oo ka tagay Washington

Malaayiin qof oo daawaneysay dhaarinta Trump

Malaayiin qof ayaa daafaha caalamka ka daawanayay xafladda Trump uu kula wareegay xilka madaxweynaha ee Mareykanka.

Daawadayaal Ruushka ku sugan
EPA
Daawadayaal Ruushka ku sugan
Dad ka daawanayay Albaniya
EPA
Dad ka daawanayay Albaniya

Trump oo loo sabciyay markii uu "xagjir" isticmaalay

Trump inuu soo qaado " argagixisada muslimka xagjirka ah" waxay noqotay mid loo sabciyay oo daawadayaasha ay soo dhaweeyeen. 

Madaxweynaha cusub ayaa Obama ku eedeeyay inuu ka fogaaday isticmaalka ereyadaas.

Obama ayaa diiday inuu in ka badan hal biyan oo qof oo Muslimiin ah oo daafaha caalamka ku nool uu la mid dhigo tiro yar oo "mintidiin" uu ku sheegay.

Trump iyo ku xigeenkiisa
BBC
Trump iyo ku xigeenkiisa

Sawir: Markii la dhaarinayay Trump

Sawirka madaxweynaha cusub markii la dhaarinayay. Waxaa barbar taagan xaaskiisa Melania iyo wiilkiisa Barron.

Trump
reuters

Daawo: Dhaarinta Trump sida ay u dhacday

Donald Trump hadda waxaa gacanta ugu jiro lambarka sirta ee hubka nukliyerka iyo go'aanka dalkaasi.

DAAWO: dhaarinta Donald Trump oo noqday Madaxweynaha 45-aad ee mareykanka. Halkan kala soco wararka ugu dambeeya.… twitter.com/i/web/status/8…

Obama iyo reerkiisa oo guuray

Madaxweynihii hore Obama iyo reerkiisa ayaa si rasmi ah uga wada guuray aqalka cad. 

Donald Trump iyo qoyskiisa ayaa la wareegay xafiiska Mareykanka looga arrimiyo. 

Trump
BBC
Trump

Obama: 'Shaqo wanaagsan, shaqo wanaagsan'

"Dhageyso ereyadan. mar dambe laguma diidi doono." ayuu yiri Trump.

"Si wada jir ah ayaan Mareykanka mar kale uga dhigi kartaa barwaaqo".

"Mareykan waxaan markale ka dhigi kartaa wadan isla weyn".

"Haa, Mareykale Mareykan waxaa ka wada dhigi karnaa wada weyn".

Obama waxaa la arkay asigoo dhahaya "Shaqo wanaagsan, shaqo wanaagsan".

"From this day forward it's going to be only America first" - President Donald Trump says bbc.co.uk/inaugurationtwitter.com/i/web/status/8…

"Waligiin midnimada raadiya"

"ma jiri doonto wax aad ka cabsataan," ayuu yiri ka hor inta uusan amaanin laamaha ammaanka.

"Wax walbe waxaa ka muhiimsan Illaahay ayaa ina ilaalin doona" ayuu u sheegay dadkii xafladda joogay.

"Xagjirnimada Islaamka"

"Waxaan mideyndoonnaa dunida ilbaxday si ay ula dagaasho islaamka xagjirka ah, taas oo dunida aan ka sifeyn doono". ayuu yiri Trump

Twitter-kii rasmiga ahaa oo Trump lagu wareejiyay

Iyadoo ay socoto khudbadda madaxwayne Trump, waxaa rasmiyan loogu wareejiyay Twitterkii rasmiga ahaa ee madaxtooyada, waxaana durba la tirtiray kuwii Obama uu qorijiray oo dhan.

Twitter
BBC

Shaqa siinta Amerikaanka

"Dadka waxaan ka celindoonnaa ceyrta, waxaana ku celineynaa shaqada. Waxaan raaceynaa sharciyo fudud. Amerikaanka shaqo sii waxna ka iibso."

"Awooda shacabka ayaan ku celineynaa"

Madaxweynaha mareykanka ayaa sheegay "Waxaan awoodda ka qaadeynaa Washington, waxaana dib ugu celineynaa shacabka.

Trump ayaa intaas ku daray "Washington way camiran tahay balse shacabka lameysan wadaagin dhaqaalaha".

Donald trump
AFP
Donald trump

Gaariga madaxwaynaha ma shidaalkaa laga tijaabinayaa?

Changing the license plates on presidential limo is apparently part of the transfer of power.

Changing the license plates on presidential limo is apparently part of the transfer of power.

Funaanado

Magaalada Washington waxaa buux dhaafiyay dad badan oo funaanado qaba oo qaarkood ay Trump taageersan yihiin, qaarna ay ka soo horjeedaan.

funaanad
Getty Images

Trump oo u mahadceliyay Obama

Donald Trump, Madaxweynaha mareykanka ayaa u mahadceliyay madaxweynihii hore Barack Obama. 

War deg deg ahDonald Trump oo la dhaariyay

Donald Trump ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha Mareykanka ee 45-naad.

Wuxuu xilka kala wareegay Obama oo tan iyo 2008-dii ahaa madaxweynaha Mareykanka 

Mike Pence oo la dhaariyay

Madaxwayne ku xigeenka la doortay Mike Pence ayaa xilka loo dhaariyay.

.@Mike_Pence has been sworn in as vice president of the #UnitedStates. Watch the #inauguration live:… twitter.com/i/web/status/8…

Dhaarinta madaxweyne ku xigeenka

Garsooraha maxkamadda sare ee cadaaladda Clarence Thomas, waa qofka keli ah ee madow ee ka qeybgalay dhaarinta madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.

Helikobtar lagu sii qaadi doono Obama

In kastoo Obama uu kol dhow ka tagi doono shaqada taliyaha guud ee ciimada ayaa weli helaya soo dhoweyn wanaagsan, wuxuuna isticmaalayaa diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah.

LIVE FROM THE CAPITOL- the helicopter awaits to take @BarackObama to Andrews Air Force base.

LIVE FROM THE CAPITOL- the helicopter awaits to take @BarackObama to Andrews Air Force base.

Trump oo kala qaybin lagu bartay ayaa la filayaa in uu midnimo ku baaqo

Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka ayaa aqalka cad la wareegaya isaga oo taageeradiisu yartahay, Sidee Trump ku midayn karaa dadka Maraykanka isaga oo lagu bartay kala qaybin?.

Trump oo midnimo ku baaqay

Trump
Getty Images

Melania oo sii fuulaysa masraxa

Xaaska Trump Melania ayaa sii fuulaysa masraxa iyada oo uu weheliyo askari Maraykan ah.

Iyada iyo wiilkeeda Barron, durba uma wareegi doonaan Washington Dc, waxayna sugi doonaan inta uu sanad dugsiyeedku uga dhamaanayo wiilkan toban jirka ah.

Melania
Pool

Arrinta nukliyerka iyo amniga Aasiya

Madaxtinimada Trump waxay su'al weyn gelisay amniga Aasiya.

Madaxweynaha cusub, hadalladiisa kuma goobneyn Shiinaha oo keli ah, balse xoghayihiisa cusub wuxuu sheegay in Shiinaha ay ka mamnuucayaa Jasiiradda lagu muransan yahay.

Wuxuu ka digay in isku dhac militari uu ka dhici karo halkaasi, 

Japan iyo Kuuriyada Koofureed waxay si weyn ugu tiirsan yihiin Mareykanka. 

Trump wuxuu sheegay inay si weyn uga faa'ideen Mareykanka oo ay xittaa heleen nukliyer u gaar ah.

Waxaa sidoo kale jirto in dowladda Kuuriyada Waqooyi ay dhwoaanahan hormarineysay hubkeeda Nukliyerka.

Macadda sida uu u wajahaayo arrimahaasi iyo inuu la hadlaayo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

Mr Kim ayaa dhowaantan sheegay inuu diyaar yahay inay helaan kantaal riddo dheer taas oo Trump uu ku tilmaamay "inaysan weligeed dhicidoonin".

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo eegaya nukliyerka dalkiisa
AFP
Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un oo eegaya nukliyerka dalkiisa

Trump iyo Obama ka hor inta aysan ka bixin Aqalka Cad

Qoysaska Trump iyo Obama oo ku kulmay Aqalka Cad

Trump iyo Obama oo sii socda

Madaxwaynaha xilkiisu dhamaaday ee dalka Maraykanka Barack Obama iyo madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa ka baxay Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka iyaga oo ku sii jeed xalfadda caleemo saarka.

Obama iyo Trump
BBC
Obama iyo Trump
BBC

Obama oo mar soo horreysay ka soo baxay xafiiskiisa

Obama oo xafiiska Oval-ka soo baxay

Digniin loo diray dadka Maraykanka ah ee Kanada ku sugan

Qunsuliyadda dalka Maraykanka ee Montreal ayaa soo saartay “fariin ammaaan” muwaadiniinta Maraykanka ayaana loogu baaqayo in ay feejignaadaan maadaama oo la qorshaynayo in ay dibad baxyo dhacaan.

Dalka Kanada oo dhan ayaa laga qorshaynayaa dibad baxyo Trump lagaga soo horjeedo oo kala dhici doona Jimcaha iyo Sabtida.

Boqolaal dad ah ayaa dibad baxyo ka dhigay magaalada Toronto ka dib marii la doortayTrump, bishii Nofembar
Getty Images

Jimmy Carter iyo xaaskiisa oo gaaray goobta dhaarinta

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Jimmy Carter, iyo xaaskiisa ayaa gaaray US Capitol oo ah goobta lagu dhaarin doono Trump.

Carter, oo ah  kan ugu da'da weyn madaxweynayaasha hore ee nool oo dhawaan ka soo kabtay cudurka kansarka ayay weriyayaashu weydiiyeen talada uu u hayo Trump, wuxuu ku jawaabay. 

''Shaqa fiican ayaan ka filayaa, iyo inuu runta ka hadlo''.

On the 40th anniversary of his own inauguration -- Jimmy Carter arrives at @realDonaldTrump's inauguration.

On the 40th anniversary of his own inauguration -- Jimmy Carter arrives at @realDonaldTrump's inauguration.

'Qof walba ma noqon karo sida aad rabto in uu noqdo'

Weriyaha BBC, Tara McKelvey ayaa su'aalo waydiinaya dadka kusugan wadooyinka DC.

"Waxaan rajaynayaa in madaxwaynaha cusub uu adduunka dhanka nabadda u jihayn doono" ayuu yiri Chanty Sem oo reer Kambodhiya ah oo ku sugan Phoenix.

Wadooyinka aagaas ka dhawna waxaa ka soo uraya marijuana. 

Chanty Sem
BBC