Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Maxamed cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay madaxweyne
  2. Wareegii labaad ayaa waxaa guul darro qirtay madaxweynihii hore xassan Sheekh
  3. madaxweynaha cusub ayaa la dhaariyay
  4. Xasan Sheekh ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub
  5. Ammanka caasimadda ayaa aad loo adkeeyay iyadoo la joojiyay duulimaadyada
  6. Waddooyin badan ayaa la xiray

Tebin toos ah

time_stated_uk

Islii ayaa ka mid ah goobaha laga soo dhaweeyay guusha Farmaajo

BBC
BBC
BBC
BBC

Madaxweynaha cusub oo wacad ku maray inuu la dagaalami doona Musuqa

Markii uu jeedinayay khudbadii uu kuu  aqbalay natiijada doorashada ayaa madaxweynaha cusub Maxamed cabdullaahi Farmaajo wuxuu wacad ku amray inuu la dagaalami doono musuqmasuqa.

Farmaajo
BBC
Farmaajo

Waxaa iska soo daba dhacaysa hambalyada madaxweynaha cusub

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Yusuf Garraad ayaa codkiisa ku biirayay hambalyada madaxweynaha cusub. 

View more on facebook

Sheekh Shariif oo hambalyeeyay madaxweynaha cusub

Sheekh Shariif oo ka mid ahaa musharrixiinta madaxtinnimada Soomalaiya ayaaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub Farmaajo una mahadceliyay madaxweynihii hore xasan Sheekh

BBC
BBC

Xilka la ii doortay waa billawga la dagaalanka musuqmaasuqa

Madaxweynaha  cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa jeedinaya khudbadda, wuxuuna  yiri Xilka la ii doortay waa billawga la dagaalanka musuqmaasuqa

Farmaajo ayaa loo dhaariyay xillka madaxweynaha Soomaaliya

Farmaajo ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo. Wuxuu guusha qaatay ka dib amrkii madaxweynihii hore xasan Sheekh uu tanaasulay inuu kula tartamo wareega seddaxaad.

War deg deg ahFarmaajo oo noqday madaxweynaha Soomaaliya

Maxamed cabdulaahi farmaajo  ayaa nqoday madaxweynaha Soomaaliya ka dib markii xasan Shekh uu ka taansulay wareega seddxaad oo ay labadooda ku tartami lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ee la doortay
BBC
Madaxweynaha Soomaaliya ee la doortay

Tirinta codadka wareegii labaad ayaa dhamaaday

Tirinta codadka ee wareegga 2aad ayaa hadda dhamaatay.  Waxaa la sugayaa in natiijada lagu dhawaaqo

Xildhibaanada oo sacabeeyay

Sacab xoog leh ayaa is qabsaday gudaha hoolka, rasaas dabaal deg ahna gudaha magaalada ayaa laga maqlayaa.  Weli lama xaqiijin laakin mid ka mid ah murashaxiinta wareegga labaad ayaa tirinta codadka aad ugu horreeya. sida uu ku soo waramayo weriyaha BBC, Faarax Lamaane oo ku sugan hoolka uu shirku ka dhacayo

Farmaajo oo aad uga horeeya murashaxiinta kale

Maxamaed Cabdullaahi Farmaajo ayaa aad uga horeeya murashaxiinta kale ee la tartamaysa, marka la fiiriyo codadka ilaa iyo hadda la dhiibtay, balse wuxuu u baahan yahay saddex meeloodaw labo si uu xilka u qabto

farmaajo
BBC

Tirinta codadka wareega labaad oo gabgabo ku dhaw

Tirinta codadka ee sanduuqa 1aad ayaa dhamaatay.  Waxaa hadda socota tirinta codadka sanduuqa labaad ee wareegga 2aad.

BBC
BBC

Tirinta codadka wareega labaad oo billaabatay

Tirinta codadka wareegga labaad ayaa socota, 

sanduuq
.

Wareega labaad wuu ka xiisa badan yahay kii hore

Weriyaha BBC-da  Ibraahim Maxamed Aadan oo ku sugan hoolka codeynta  ayaa ku soo waramaya in wareegan uu ka xiisa badan yahay wareegii koobaad. Maxaa yeelay buu yiri wareegan waxaa ku soo haray seddax musharrax halka wareegii hore ay 21 musharrax u tartameysay.

BBC
BBC

Xildhibaan loo diiday in uu lacag badan la galo hoolka doorashada

Tilifoonada gacanta iyo lacagaha ayaa laga maamnuucay in lala gala hoolka ay codbixinta ka socoto. 

Weriyaha BBC-da Faarax Lamaane ayaa sheegay inuu arkay xildhibaan loo diiday inuu hoolka la galo $10,000 oo uu watay.

Eedeymo musuqmaasuq oo hareeyay doorashada Soomaaliya

Doolar
.

Sidee wareega labaad u dhacayaa?

Musharixii helaa seddax meelood laba meel ayaa noqonaya madaxweyne, hadii kale waxaa loo gudbi doonaa wareega seddxaad oo ah kan ugu dambeeya. 

UNSOM
UNSOM

Codeynta wareega labaad oo si habsami leh u socota

Codeynta wareega labaad ayaa socota iyadoo xildhibaanada mid mid loogu yeerayo si ay codkooda u dhiibtaan. Waxaa ku tartamaya Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed cabdullahi Farmaajo.

BBC
BBC

Toos u daawo barnaamijka Dunida iyo maanta

Barnaamijka Dunida iyo maanta oo gebi ahaantiisba ku saabsan doorashada halkan ka daawo.

Waxaa si wadajir ah u soo jeedianaya Faarax lamaane oo Muqdisho jooga iyoAadan Saalamiin oo Lonodn jooga 

View more on facebook

War deg deg ahSharmarke oo haray

Mid ka mid ah musharrixiinta ku soo baxay wareega labaad Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa  sheegay inuu tanaasulay oouu ka haray tartanka. 

BBC
BBC

Wareega labaad ee doorashada oo billowday

Wareega labaad ee doorashada ayaa billowday waxaana ku tartamaya msuahrixiinta kala ah 

Xasan Sheekh Maxamuud - 88 cod

Maxamed Cabdullaahi Maxamed "Farmaajo" - 72 cod

Shariif Sheekh Axmed - 49 cod

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke - 37 cod

BBC
BBC

Halkan ka daawo Ibraahim Aden oo sharaxaya wareegyada doorashada

Musharrixiinta u gudbay wareega labaad

Waxaa wareega  labaad u gudbay sida uu shaaciyay  guddoomiyaha  baarlamaanka

  • Xasan Sheekh maxamuud 
  • Maxamed Cabdullahi Farmaajo 
  •  Sheekh Shariif Sheekh Axmed 
  • Cumar Cabdiriashiid Sharmarke 
BBC
BBC

Tirinta codadka ayaa socota

Waxaa socota tirinta codadkii lagu dhiibtay wareega koobaad. Haddii la waayo murashax hela 2/3 codadka oo ah 219 cod, waxaa loo gudbayaa wareegga labaad, waxaana u gudbaya afarta murashax ee ugu codka badan.  

BBc
BBC

Wareegii koobaad ee codaynta oo dhamaaday

Waxaa la soo gabogabeeyay wareegii koobaad ee codaynta, waxaana billaaban doonta tirinta codadkii la dhiibtay.

codayn
BBC

Musharixiinta oo sugaya natiijada wareega koobaad

21 musharrixiin ayaa soo hartay ka dib markii seddax musharrax ay tanaasuleen.

Qaar ka mid ah msuahrrixiinta oo fadhiyo safka hore
BBC
Qaar ka mid ah msuahrrixiinta oo fadhiyo safka hore
BBC
BBc

Halkan ayaad si toos ah uga dawan kartaa codeynta xildhibaanada

Halkan ayaad si toos ah uga daawan kartaa wareega koobaad codeynta xildhibaanada oo wali socota

View more on youtube

Talow ma lagu kala bixi doonaa wareega koobaad?

Weriyaha BBC-da Faaarax lamaane oo ku sugan goobta codeynta wuxuu leehay haddii la waayo murashax hela 2/3 codadka oo ah 219 cod, waxaa loo gudbayaa wareegga labaad, waxaana u gudbaya afarta murashax ee ugu codka badan.

UNSOM
UNSOM

Codeynta wareega koobaad ayaa socota

Weli codbixinta wareegga 1aad ayaa socota.  328 xildhibaan oo labada gole ka tirsan ayaa hoolka ku sugan oo codaynaya.

BBC
BBC
BBC
BBC

Jawaari oo noqday qofkii u horeeyay ee codeeya

Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa noqday qofkii u horeeyay ee codka dhiibtay

Jawaari
BBC

Codaynta oo billaabanaysa

Gudoomiyaha gudiga doorashada Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay in ay billaabayaan codaynta

Bayle
BBC

328 xildhibaan ayaa xaadir ku ah hoolka codeynta

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa sheegay  in 328 xildhibaan ay joogana hoolka oo uu hal xidhibaan oo xanuusan uu maqan yahay.

BBc
BBC
328 xildhibaan ayaa xaadir ku ah hoolka codeynta
BBc
BBC

Faroole oo xildhibaanada ka hor cadeeyay in uu tartanka ka haray

Madaxwaynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo xildhibaanada la hadlay ayaa caddeeyay in uu ka haray doorashada madaxtinimada.

Faroole
BBC

21 musharax oo isu soo haray

21 Murashax ayaa isugu soo haray loolanka doorashada madaxtinimada ka dib markii ay tanaasuleen saddex ka mid ah murashaxiinta, sida uu sheegay Afhayeenka baarlamaaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.

Jawaari
BBC

Magaca Ilaahay lacag ha ku gadaninina

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay'adda Culumada Soomaaliyeed ayaa kalmad wacdi ah u jeedinaya xildhibaanada. Wuxuu ugu baaqay inay dalka u dooreen hoggaan fiican. Wuxuu xasuusiyay xildhibaanada dhaartii ay u dhaarteen inay umadda u shaqeyn doonaan, wuxuna ugu baaqay in dhaartii ay magaca eeba ku dhaarteen aysan ku gadanin lacag.

Sheekh Bashiir
BBC

Ololaha doorashada waxaa hareeyay eedaymo Musuqmaasuq

Intii lagu guda jiray ololaha musharixiinta waxaa soo baxayay warar sheegayay in codadka la kala iibsanayay. Halkan ka daawo warbixin uu Faarax lamaane ka diyaariyay doorashadan.

Waddooyinka Muqdisho ayaa xiran

Magaalada Muqdisho waxaa ka dhaqan galay go'aan lagu joojiyay socodka gaadiidka ee wadooyinka waawayn, iyadoo ay maanta dhacayso doorashada madaxtinimada ee Soomaaliya  

BBc
BBC
Weriyaha BBCda ee magaalada Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan wuxuu ku soo waramayaa in hadalhayntu u badan aysan ahayn gaadiidka istaagay ee ay tahay cidda masiirka umadda qaban doonta

Kurastii way buuxsameen

Hoolka ayaa iminka buuxsamay, kuraasta fadhiga loogu tala galayna way buuxaan, welina dad ayaa soo galaya kuwaasoo inay istaagaan mooyee aan fadhi haysan. 

BBC
BBC

Lamaane oo ku sugan hoolka doorashada

Weriayayaal ka tirsan BBC-da oo uu ku jira Faarax Lamaane ayaa ku sugan hoolka ay ka dhaceysa doorasahada.

View more on facebook

8 xildhibaan ayaan wali imaanin

321 xildhibaan ayaa ilaa hadda saxiixday liiska is xaadirinta.  8 xildhibaan ayaa ka dhiman tirada guud ee labada gole oo ah 329

Murashaxiinta qaar ayaan weli soo gaarin hoolka

Murashaxiinta qaar ayaan weli soo gaarin hoolka, waxaana socota nidaaminta iyo kala hufka goobta shirka.  Ugu yaraan ilaa 4 bar koontarool ayaa adadka oo dhan lagu baarayey ayadoo aan la kala soocin.  Waxaa dhici karta in qorshaha doorashada la bilaabo marka kooramku buuxsamo.

BBC
BBC

Wali ma billaabanin doorashada

Weli waxaa socota imaatinka ka qayb galayaasha doorashada, kuwaasoo isugu jira xidhibaannada, saxafiyiinta iyo korjoogtada caalamiga ah.

��.

BBC
BBC
Qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya
Guddiga qabanqabaada doorashada oo ka codsanaya xildhibaanada inay fariistaan
BBC
Guddiga qabanqabaada doorashada oo ka codsanaya xildhibaanada inay fariistaan