Kooban

  1. Shirka waxaa si wada jir ah u guddoominaya Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo UK
  2. Waxaa looga hadlayaa sare u qaadidda hawlaha gargaarka
  3. Waxaa sidoo kale lagu soo qaadi doonaa xoojinta ammaanka
  4. Iyo in la isla meel dhigo qorshe lagu tababarayo ciidammada Soomaaliya

Tebin toos ah

time_stated_uk

Wufuuda ayaa gashay kulan albaabada u xiran

Wufuudda ayaa gashay kulan gaar ah oo albaabda u xiran, waxaana lagu wadaa in war murtiyeedka lagu dahwaaqo 14.45 wakhtiga London.

BBC
BBC

Farmaajo: Seddax cadow ayaan la dagaalameynaa

Mar sii horreysay ayaa madaxweyne Farmaajo wuxuu shirka u sheegay in dowladiisu ay la dagaalameyso seddax cadow: Argagixiso, musuqmaasuq iyo saboolnimo

bbc
BBC

Halkan ka daawo qodobadda ugu muhimsan ee shirka London

Daawo: Waxyaabaha looga hadlayo shirka London

Desalegn: Cunaqabataynta hubka halaga qaado Soomaaliya

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa codkiisa ku biiryay dalabaka uu shirka ka jeediyay madaxweyne Farmaajo ee ahaa in Soomaaliya laga qaada cunaqabataynta hubka. 

Desalegn wuxuu sheegay inay  taasi gacan ka geysan karto qalabaynta ciidammada dowladda. 

May maba aysan sugin inay dhageysato khudbadaha madaxda kale

Ra'iisal wasaaraha UK Theresa May ayaa shirka ka tagtay markii ay khudbadeeda dhameysay. Maba aysan sugin inta madaxda Afrika ay ka jeedinayaan khudbadooda furitanaka kulanka. 

Waxay ku jirtaa olole doorasho, waana arin naadir ah in ra'isal Wasaaraha UK ay hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka.  

BBc
BBC

Desalegn: Shabaab waa la jabiyay lamase cirib tirin

Ra'iisalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in la jabiyay al Shabaab balse aan la cirib tirin oo ay wali yihiin halis jirta.

Wuxuu intaas ku daray in xoogaggoodu ay naftooda u hureen nabadaynta Soomaaliya ayna sii wadidoonaan. 

Wuxuu sidoo kale walaac ka muujiyay abaarta saamaysay dalalka IGAD oo dhan iyo xannuunka daacuunka deegaannada qaar ka jira, wuxuuna ku baaqay in arrimahaas wax wayn laga qabto

Hailemariam Desalegn
Reuters

Desalegn: Ciidammada Itoobiya waxay hadda Halgan kula dagaalamayaan Shabaabka.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa shirka ka sheegay inay hadda ciidammadiisa kula dagaalamayaan kooxda Alshabaab magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan 

BBC
BBC
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya

Kenyatta oo ku baaqay in taagero badan la siiyo AMISOM

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa shirka u sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo taageerada ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya 

Museveni: Hala xoojiyo awooda ciidammada

Madaxweynaha Ugandha Yoweri Museveni  ayaa sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo awoodda ciidammada Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika si ay wax wayn uga la dagaalanka ururka Al shabaab.

Yoweri wuxuu sheegay in ay muuhim tahay in ciidamadu ay awood u yeeshaan in ay shabaabka kula dagaalamaan baadiyaha si aysan isu arruursanin oo aysan ugu soo noqonin goobaha laga xoreeyay. 

Yoweri Museveni
Reuters

Museveni: Siyaasad ku saleysan waddaniyad ayaa looga baahan yahay Soomaalida

Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Museveni, ayaa shirka London ka sheegay in loo baahan yahay siyaasad ku saleysan waddaniyad ay la yimaadana Soomaalida. 

Wuxuu  sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in Shabaabka lagu qaado weeraro gaadmo ah.

'Alshabaab waa la wiiqay balse lama cirib tirin wali'

Madaxa Midowaga Afrika Moussa Faki Maxamed ayaa shirka u sheegay in Shabaab la wiiqay sanadihii la soo dhaafay balse aan wali si buuxda looga guuleysan.

Guterres: Waa muhiim in la mideeyo tababarrada ciidammada

Guteres ayaa sheegay in la joogo wakhtigii la soo afjari lahaa da’daalada kala gooni goonida ah ee dalalka caalamku ay ku tababarayaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in tababarka ciidammada oo la mideeyo ay gacan ka gaysan karto is dhexgalka iyo wadashaqaynta ciidammada Soomaaliya.

Guterres
AFP

Theresa May: 21 milyan oo gini ayaa ku bixin doonaa dhismaha ciidanka Soomaaliya

Ra'iisal wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in dalkeeda uu ku bixin doono 21 milyan oo gini dhismaha iyo tababarka ciidan qaran. 

Waxay sidoo kale sheegtay in laga rayn kara waxa ay ugu yeertay argagaxisada. ''Waxaan wajheynaa caqabada badan maanta'' ayay tiri May

Theresa May
BBC

QM: Hala mideeyo dadaalada tababarada ciidammada Qaranka

''Waa in la helaa hal barnaamij oo ay Soomaalidu hormuud ka tahay oo lagu tababarayo ciidammada booliska Soomaaliya''---- ayuu yiri Xoghyaha Guud ee Qaramada Midoobay. 

Dalal kala duwan ayaa hadda tababarro kala duwan siiyo ciidammada Soomaaliya

Guterres: Abaarta ayaa mudan in mudnaan la siiyo

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonia Guterres ayaa sheegay in loo baahan yahay in mudnaan badan la siiyo la dagaalanka abaarta. Wuxuu sheegay in loo baahan yahay $900 oo milyan.

BBc
BBC

Farmaajo: Waxaan diyaar u ahay in la ila xisaabtamo

Madaxweyne Farmaajo ayaa shirka u sheegay in dowladiisu ay  diyaar u tahay in lala xisaabtamo. 

Farmaajo: Deymaha Soomaaliya waxaan ku baaqeynaa in laga cafiyo

Farmaajo ayaa ku baaqay in waddamada beesha caalamka ay raacaan tusaalaha qaar ka mid ah dalalka Carabta oo ka cafiyay Soomaaliya deymo badan.

Farmaajo: Waxaan rabnaa in Soomaaliya laga caawiyo inay xaliso dhibaatadeeda

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirka u sheegay inuu doonayo in beesha caalamka ay kaalin ka qaadato sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen in dhibaatadeeda ay iyadu xaliso

BBc
BBC

Farmaajo: Ma ahan macluushii dhacday 2011 ay mar kale soo noqoto

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay furtaanka shirka. Madaxweyne Farmajo waxa uu sheegay in markii uu xilka qabtay uu muhiimadda koobaad siiyay sidii wax looga qaban lahaa xalaadda abaarta ee dalka si looga hortago in ay dhacdo xaaladdii sanadkii 2011kii.

Farmaajo ayaa u mahadceliyay hoggaamiyeyaasha caalamka iyo qurbo joogta Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay ka jawaabeen baaqii dowladdiisa ee ahaa in gargaar lala soo gaaro shacabka ay abaartu ku habsatay.

BBc
BBC

Xoghayaha guud ee QM oo ka hadlay abaaraha Soomaaliya

 Xoghayaha guud ee QM António Guterres  ayaa shirka ka sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay inay laba jibbaarto dadaalada looga hortagayomacluusha Soomaaliya

BBC
BBC
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Ra’isal wasaaraha UK oo ololihii ay ku jirtay uga fadhiisatay shirka London

Waa arin naadir ah in Ra'isal Wasaaraha UK ay hakad geliso ololaha doorashada oo ay diirada saarto arrimo la xiriira caalamka.  

 Faahfaahinta halkan ka akhriso

Ra’isal wasaaraha UK oo ololihii ay ku jirtay uga fadhiisatay shirka London

Halkan toos uga daawo shirka

Subax wanaagsan

Waxaan halkan idin kugu soo gudbin doonaa wararka la xiriira shirka Soomaaliya oo London oo ka furmay dhismaha Lancaster ee magaalada London.

BBC
BBC