Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Qiyaasaha soo baxaya ayaa tilmaamay in xisbiga Muxaafidka uu noqon doono kan ugu ballaaran
  2. Laakiin waxaa laga yaabaa inuusan helin tiro ku filan si uu dawlad u soo dhiso kaligii
  3. Natiijooyinka ugu horreeya waxaa la filayaa 11 pm wakhtiga UK

Tebin toos ah

time_stated_uk

May su'aalo badan ayay wajihi doontaa haddii laga guuleysto

Xoghayihii hore ee maaliyadda UK George Osborne ayaa telefishinka ITV u sheegay in ra'iisal wasaare May ay sii hayn doonto xilkeeda haddii uu xisbugu helo aqlabiyad.

Balse wuxuu sheegay haddii ay taasi suurtageli weydo in xisbigu uu su'aalo badan iska weydiin doono in loo baahnaa in la soo dadajiyo doorasho guud iyo in kale iyo qaabkii uu xisbugu u galay ololaha iyo mustaqbalka hoggaanka xisbiga.

Getty Images
Getty Images
Theresa May iyo George Osborne

Midowga Yurub oo si dhaw uga war sugayo doorashada UK

Hogaamiyeyaasha Midowga Yurub ma doonayaan shaqsiga hogaamin doona ka bixidda Britain ee Midowga Yurub inuu noqdo mid u baahan inuu wadatashi mar kasta la sameeyo axsaab kala duwan oo ay isbaheysi leeyihiin.

Dib u dhac ku yimaada wadahadaladana waxay dharbaaxa ku tahay UK, maxaa yeelay muddo lab sanno gudahooda ayaa looga fadhiyaa in Britain ay kaga baxdo Midowga , waxaana labadaasi sanno gudahood sidoo kale loo baahan yahay in heshiis laga gaaro ka bixitaanka Yurub iyo heshiisyada dhanka ganacsiga.

Dalka Begium-ka waxay jeclaan lahayeen ra’iisul wasaare degan, balse taasi kama dhigna inay la safanyihiin Theresa May ama Jeremy Corbyn.

Natiijooyinkii ugu horreeyay

  • Ilaa iyo hadda laba kursi ay si rasmi ah loogu dhawaaqay. Sidii markii horaba la filayay xisbiga Shaqaalaha ayaa ku guuleystay deegaanka Newcastle Central iyo Sunderland South.
  • Xisbiga Muxaafidka ayaa noqon doono kan ugu wayn, balse ma heli doono kuraas ku filan si uu dowlad u soo dhiso, sida lagu sheegay ra’yi laga soo uruuriyay codbixiyayaasha

Theresa May oo wadnaha farta ku haysa

Weriyaha BBC-da ee arrimaha siyaasadda Laura Kuenssberg ayaa shegaya in ra’iisalwasaare Theresa May ay u bareertay kahtar markii ay ku baaqday in doorashada wakhtigeedii laga soo hormariyo.

Waxay sheegtay in May ay hadal qabsi ka dhigatay oraahda ah " hoggaan adag misana xasiloon", balse waxaa laga yaabaa in doorashadan ay sii yareysa galaangalka xisbigeeda

BBC
BBC
Theresa May

Xisbiga Muxaafidka oo lagu wado inuu helo kuraasta ugu badan

Qiyaas la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xisbiga muxaafidka ee UK uu noqon doono kan ugu weyn ka dib doorashadii Khamiistii ka dhacay dalkaasi.

Waxaa la saadalinayaa inuu heli doono 314 kursi. Waxay ka dhigan tahay inay 17 kursi ka yartahay tirada xildhibaanada xisbigaasi ee doorashadii hore.

Qiyaastan oo ku saleysan wareysiyo lala yeeshay codbixiyayaasha codeeyay ayaa lagu sheegay in xisbiga Shaqaalaha uu heli doono 226 kursi taasoo 34 ka badan kuraastii uu helay doorashadii hore.

Xisbiga Liberal Democrats ayaa la saadalinayaa inuu heli doono 14 kursi, halka SNP la qiyaasayo inuu hanan doono 34 kursi. Xisbiga UKIP ayaa lagu wadaa inuu waayo kursiga kaliga ah ee uu hadda haysto

BBC
BBC

Ku soo dhawaada tebinta tooska ah ee natiijooyinka doorashada guud ee UK