Got a TV Licence?

You need one to watch live TV on any channel or device, and BBC programmes on iPlayer. It’s the law.

Find out more
I don’t have a TV Licence.

Kooban

  1. Uhuru Kenyatta ayaa mar labaad loo doortay madaxweynaha Kenya
  2. Goobjoogayaasha caalamiga ah oo ammaanay doorashada Kenya
  3. Mucaaraadka ayaa qaadacay natiijada uu guddigu ku dhawaaqay
  4. Raila ayaa sheegay in la jabsaday hanaanka kombuterada guddiga doorashada
  5. Guddiga ayaa beeniyay eedeyntaasi

Tebin toos ah

by Xasan Cabdullahi Haybe

time_stated_uk

Tabintii tooska ahayd waa naga intaas

Tabintii tooska ahayd intaas ayaan ku soo afjaraynaa, waxaan aad ugu mahadcelinaynaa akhyaartii nala socotay.

Si aad ula sii socoto wararka Kenya ee doorashada ka dib iyo kuwa kale ee caalamkaba waxaad nagala socon kartaan Lifaaqan

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa u hambalyeeyay Uhuru Kenyatta, oo marlabaad loo doortay xilka madaxweynenimada.

“Madaxweyne Kenyatta, waa saaxiib iyo walaal, waana hogaamiye hormar iyo dadaal badan", ayaa lagu qoray warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo.

.
BBC
.

Museveni‏ oo u hambalyeeyay Kenyatta

Madaxweynaha dalka Ugandha Yoweri K Museveni‏ ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Wuxuu sheegay in natiijadu ay muujineyso "kalsoonida shacabka ay ku qabaan" xukuumadda Kenyatta.

.
Getty Images

Madaxweynaha Rwanda oo u hambalyeeyay Kenyatta

Paul Kagame, madaxweynaha dalka Rwanda ayaa u hambalyeeyay Uhuru kenyatta oo ku guuleystay doorashada Kenya.

Sawir hore
Getty Images
Sawir hore

Uhuru iyo Raila codadka ay ka kala heleen Woqooyi Bari

Uhuru Kenyatta ayaa Raila Odinga uga adkaaday gobolka Soomaalida ee Woqooyi Bari, Kenya.

Mandera

  • Uhuru Kenyatta: 107334 (82.9%)
  • Raila Odinga: 17347 (13.4%)

Wajir

  • Uhuru Kenyatta: 61092 (51.2%)
  • Raila Odinga: 52688 (44.2%)

Garissa

  • Uhuru Kenyatta: 49465 (48.9%)
  • Raila Odinga: 48354 (47.8%)

BBC
BBC

Booliiska Kenya oo gaafwareegaya Kisumu

Booliiska dalka Kenya ayaa lagu soo daadiyay magaalada Kisumu sidaadii loogu dhawaaqay natiijadii doorshada madaxtinimada Kenya oo uu ku guulaystay Uhuru Kenyatta.

Booliiska rabshadaha ka hor taga ayaa kala eryay dhallinyaro isku dayay in ay gooyaan wado, shanqadha sunta dadka ka ilmaysa ayaa la maqlayaa.

Booliiska Kenya
BBC
Booliiska Kenya
BBC

Dabaaldegyo lagu taageerayo Uhuru

Dad badan oo taageeraya Uhuru kenyatta ayaa isugu soo baxay gobollada laga taageero.

Sidoo kale magaalada Nairobi waxaa ka socdo dabaaldegyo lagu taageerayo guusha Uhuru Kenyatta.

Toos u daawo dib u doorashada Kenyatta

Uhuru kenaytta oo la hadlay shacabka

Uhuru Kenytta ayaa u mahadceliyay guddiga doorashada ee Kenya iyo shacabkii doortay.

Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay dadkii aan dooran.

Kenyatta wuxuu doorashada ku tilmaamay mid xor iyo xalaal ah.

Mucaaradka wuxuu u sheegay in aysan cadow isu ahayn oo Kenya ay wada leeyihiin.

Wuxuu u ballan qaaday in uu la shaqeyn doono, garabna siindoono.

Raila ayuu u sheegay in uu ka doonayo in uu dalka la dhiso kalana shaqeeyo sidii wadanka loo hormarin lahaa.

Wuxuu tilmaamay in walaalo iyo deris la yahay. doorashada marka laga gudbana loo baahan yahay wada shaqeyn.

Wuxuu dalbaday in aan rabshado la samaynin oo amniga amniga aan wax loo dhimin.

.
Getty Images
.

Uhuru kenyatta oo lagu wareejiyay shahaadada Madaxweynenimada

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Kenya ayaa warqadda shahaahada ee madaxweynanimada siiyay Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashada Kenya.

War deg deg ahUhuru Kenyatta oo ku guulaystay madaxtinimada Kenya

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Xisbiga mucaaradka ah ee Nasa ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Hoos ka daawa muuqaal ku saabsan taariikhda madaxweyne Kenyatta.

Daawo taariikhda Uhuru Kenyatta

Tirada ugu dambeysa ee Natiijada

Wafula Chabukati, Gudoomiyada Guddiga Doorashada ee Kenya, ayaa ku dhawaaqaya tirada ugu dambeysa ee natiijada.

Wuxuu markaasi ka dib sheegidoonaa qofka ku guuleystay xilka madaxweynaha.

Mucaaradka ayaa dhowaan sheegay in aysan quseynin natiijada hadda lagu dhawaaqayo.

Tirada dadka u soo baxay in ay codeeyaan

Chebukati wuxuu sheegay in 15,073,662 (Shan iyo Toban milyan, todobaatan iyo saddax kun lix boqol lixdan iyo labo) qof inay codeeyeen, taas oo u dhiganta boqolkiiba 78.91%.

Wuxuu sheegay in shacab aad u badan ay codkooda dhiibteen.

Tirada guud ee dadka codkooda dhiiban karay ee diiwaan gashanaa waxay ahayeen 19, 611, 423.

Woqooyi Bari: Uhuru mise Raila

Gobolka Soomaalida ee Woqooyi Bari oo ka kooban saddax maamul goboleed waxaa codad badan ka helay Uhuru Kenyatta.

Saddaxda deegaan waxaa Barasaabyo ka noqonaya dad ka tirsan xisbiga Jubilee.

Gaarisa iyo Wajeer oo ay maamulayeen xisbiga mucaaradka ayaa hadda laga adkaaday.

Akhrinta Natiijada doorashada

Gudoomiyaha IEBC ayaa shaacinaya natiijada gobollada iyo sida ay u kala heleen musharrixiintii ku tartamay xilka madaxweynaha.

Ismaamullada Kenya ayaa ka kooban 47, wuxuuna ku dhawaaqi doonaa dhammaan, ka hor inta uusan sheegin wadarta guud ee ay kala heleen musharrixiinta.

Saxiixidda warqadaha

Wali waxaa socota in wakiillada axsaabta siyaasadda ay saxiixaan warqadda ay ku qoran tahay natiijada doorashada.

Ka dib ayuu Chabukati sii wadi doonaa khubada.

Midowga Afrika ayaa ku baaqay in shacabka Kenya ay is dejiyaan

Warbixin uu soo saaray ururka Midowga Afrika ayuu ku sheegay in shacabka Kenya looga baahan yahay inay isdejiyaan.

Moussa Faki Mahamat, oo ah gudoomiyaha Golaha Midowga Afrika ayaa bogaadiyay sida nabadda ah ee ay ku dhacday doorashada Kenya.

Wuxuu ugu baaqay in nabaddaas ay sii xoojiyaan.

Gudoomiyaha IEBC ayaa joojiyay hadalka

Wafula Chabukati ayaa joojiyay khudbada ka dib markii uu sheegay in waxa uu akhrinayo aanan la soo saxiixin.

Waxaa la filayaa in mardhow uu dib u billaabo hadalka kuna dhawaaqo natiijada.

Doorasho Xor iyo Xalaal ah

Wafula Chabukati ayaa sheegay in hannaankii doorashada ay hagaajiyeen intii karaankooda ahayd si doorashadu ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah.

Wuxuuna u mahadceliyay shacabka Kenya ee uu sheegay in ay ku aamineen codadkooda.

Natiijada Doorashada Kenya

Gudoomiyaha Guddiga wuxuu akhrinayaa tirada dadkii codeeyay iyo sida loo kala helay tirada.

Wuxuu amaanay shaqada ay qabteen shaqaalaha IEBC.

Gudoomiyaha IEBC oo hadda hadlaya

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Kenya, Wafula Chabukati ayaa hadda jeedinaya hadal la filayo in uu ku shaaciyo natiijada doorashadii Talaadadii dhacday.

Natiijada oo weli la sugayo in la shaaciyo

Xilligii la filayay in uu hadlo gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Kenya ayaa la soo dhaafay, welina waxaa isha lagu hayaa xarunta Bomas.

Waxaa goobtaas ku sugan dad aad u badan oo sugaya in guddigu uu shaaciyay natiijada kama dambeysta ah ee doorashadii Talaadadii dhacday.

Waxaa la filayay in gudmooyuhu uu hadlo 7:30 fiidmino, balse weli ma uusan soo muuqan.

.
BBC
.

Dabaaldegyo lagu taageerayo Uhuru oo meelaha qaar ka socda

Xarunta shirarka caalamiga ah ee Kenya, KICC, oo la filayo in Uhuru Kenyatta uu ka hadlo, waxaa hareereheeda ka socda dabaaldegyo lagu taageerayo xisbiga Jubilee.

Inkastoo aan la shaacin in Uhuru uu guuleystay, hadana dadka qaar ayaa sugaya in lagu dhawaaqo guushu qofka ay raacday.

.
BBC
Qof soo xirtay weji loo ekeysiiyay Uhuru Kenyatta
.
BBC
.
.
BBC
.
.
BBC
.

Toos u daawo wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Kenya

Mucaaradka Kenya oo shaki geliyay korjoogtada

Korjoogtada caalamiga ah ayaa amaanay sida ay u dhacday doorashada Kenya, laakiin James Orengo ayaa shaki geliyay "hufnaantooda".

Wuxuu cambaareeyay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki, Madaxweynihii hore ee Ghana, John Mahama iyo xoghayihii Arrimaha dibadda ee Mareykanka ee hore John Kerry.

War deg deg ahNASA: Natiijada la shaacin doono "nama khuseyso"

Isbeheysiga mucaaradka Kenya ee NASA ayaa sheegay in aysan maxkamad aadidoonin ka dib marka la shaaciyo madaxweynaha Guuleystay.

Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyndoonaan.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada.

Mucaaradka Kenya oo ku celiyay diidmadooda natiijada

Musalia Mudavadi oo ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa sheegay in ay la kulmeen madaxda Guddiga Doorashada ayna u sheegeen in aysan qeyb ka ahayn natiijada la filayo in daqiiqado gudahood lagu shaaciyo.

Mucaaradka ayaa sheegay in Guddiga uusan ka jawaabin waxyaabaha ay diidan yihiin iyo dalabaadkooda.

NASA ayaa horey u sheegtay in aysan ku qancin sida ay u socoto natiijada hordhaca ah.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Kenya oo dhowaan hadli doono

Guddiga doorashada ee magacooda loo soo gaabiyo IEBC ayaa sheegtay in gudoomiyaha guddiga Wafula Chabukati in uu saxaafadda la hadli doono 7:30 ee xilliga Bariga Afrika.

Daqiiqado ayaa ka dhiman. Lama oga waxa uu ka hadli doono, balse waxaa la filayaa in uu shaaciyo natiijada rasmiga ah ee doorashadii Talaadadii.

.
NTV
.

Ganacsigii xaafadda Islii oo xiran

Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi oo lagu yaqaanay mashquul iyo ganacsi xoog badan ayaa xiran iyada oo ay dadku ka war dhawrayaan natiijada doorashada.

Goobo yaryar oo aan badnayn ayaase furan.

Islii
BBC
Islii
BBC

Toos u dhagayso Barnaamijka Dunida iyo Maanta

Mucaaradka Kenya oo ‘iskudayay in loo fasaxo qalabka guddiga doorashada’

Mucaaradka Kenya ee Nasa loo yaqaanno ayaa dalbaday in loo fasaxo oo la tuso qalabka ay macluumaadka ku kaydsadaan Guddiga Doorashada ee Kenya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters

Mucaaradka ayaa sheegay in ay aqbali doonaan natiijada ay halkaas ka helaan, ayay intaas ku sii dartay Reuters.

Gudiga doorashada oo shacabka ugu baaqay in ay is dejiyaan

Agaasimaha guud ee gudiga doorashooyinka Kenya Ezra Chiloba ayaa shacabka ugu baaqay in ay isdejiyaan inta ay ku jiraan hubinta natiijada kasoo baxday doorashada

Waxaa uu yiri " aad bay muhiim u tahay in la is dejiyo halkii laga deg-degi lahaa kadib uu khalad iman lahaa".

Natiijada ugu danbaysa ayaa looga dhawaaqi doonaa xarunta Bomas, halkaas oo ay isugu tageen musharixiinta ku loolamaya doorashada madaxtinimo.

Taageerayaasha Kenyatta ayaa tegay xarrunta Bomas

Taageerayaasha xisbiga Jubilee ee madaxwayne Uhuru Kenyatta ayaa isugu yimi xarunta looga dhawaaqayo natiijada doorashada Kenya.

Waxay halkaa u joogaan iyaga oo rajo ka qaba in ay guushu ku raacday xisbigooda

Natiijada doorashada ayaa la filayaa in goor dhow lagu dhawaaqi doono

BBC
BBC
bbc

Ganacsiga Kisumu oo albaabada loo laabay

Magaalada Kisumu oo ku taalla galbeedka Kenya, ayaa dhowr jeer iska hor imaadyo ku dhexmareen ciidamada iyo shacab taageersan mucaaradka. sida oo uu sheegayo weriyaha BBC Emmanuel Igunza inta badan magaalada ayaa laga guuray.

Buskan ayaa taagan boosteejada gawaawrida ee bartamaha magaalada.

BBC
BBC

Emmanuel ayaa sidoo kale tegay maqaaxidan oo cidla ah

BBc
BBC

Waxaana ku arkay hal qof oo ka ganacsanaya qudaar, xilli meeshan ay ahaan jirtay mashquul

bbC
BBC

Musharrixiinta baaritaan caafimaad ha lagu sameeyo

Iyadoo dadweynaha Kenya ay ka war sugayaan guddiga doorashada Kenya ayaa Cabduba Dida oo ah mid ka mid ah musharrixiinta madaxtinnimada ayaa ka dalbaday guddiga inuu tartanka ka saaro labada musharrax ee ugu horreysa.

Wuxuu sheegay in kan saddexaad lagu dhawaaqo, maadama buu yiri ay raila iyo Kenyatta labaduba ay codadka xadayaan.

Wafula Chebukati, Guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa sheegay inay wali sugayaan natiijooyinka qaar ka hor inta aan lagu dhawaaqin natiijada.

Mr Dida, oo caan ku ah hadallada maadeysiga ah ayaa soo jeediyay in musharrixiinta lagu saameeya baaritaanno caafimaad oo dhinaca muqaadaraadka ah ka hor inta aan loo oggolaan inay tartamaan.

Cabduba Dida
BBC
Cabduba Dida

Xarunta guddiga doorashada oo lagu sii qulqulayo

Daawo sida ay Bomas ugu soo qulqulayaan wakiilada axsaabta,korjoogayaasha caalamiga ah, kuwa Afrika iyo weriyayaasha.

View more on facebook

Haweenay durba laga saaray Isbitaalkii ay ku dhashay

Elizabeth Achieng oo dhexda ka muuqata oo ah hooyo mar dhaw ku dhashay magaalada Kondele ee galbeedka Kenya ayaa BBC-da u sheegtay in durba laga saaray isbitaalka sidaadii ay u dhashay labo mataano ah, sababtuna ay tahay xiisadda siyaasadeed ee dalka ka taagan.

Doorashada
BBC

Doorashada Kenya: Dad isu diyaarinaya dabaaldeg

Iyadoo aan wali la shaacinin natiijada madaxweynaha ee dalka Kenya ayaa dadka ku sugan magaalada Kiambu ee badhtamaha Kenya waxay isu diyaarinayaan dabaaldeg.

Magaaladaas ayaa loo arkaa in ay tahay meel ay ku xoog badan yihiin xisbiga uu ka soo jeedo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Wadooyinka ayaa lagu qaybinayaa calamada dawladda Kenya iyo kuwa xisbiga Jubiliee.

Kiambu
BBC
Kiambu
BBC

Toos u dhagayso Idaacadda Duhurnimo

Booliiska Kenya oo kala eryay dad taageersan mucaaradka

Magaalada Kisumu ee dalka Kenya waxaa la isla dhexmaray in guddiga doorashada ay ku dhawaaqayaan cidda ku guulaysatay doorashada. Dad ayaa billaabay in ay isugu soo baxaan degmada Kondele ee magaalada Kisumu.

Markii ay mucaaaradku billaabeen in ay isu yimaadaan booliiska ayaa kala eryay.

Guddiga doorashada oo Kenya ayaa dadka ugu baaqay in ay is dajiyaan

Rabshado ayaa Arbacadii dhacay ka dib markii uu Raila Odinga sheegay in lagu shubtay doorashada Kenya.

Kenya
BBC
Booliiska Kenya
BBC