Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa arday, waa aabbe, waa shaqaale

Image caption Waa arday, waa aabbe, waana shaqaale.

Qasim Maxamed Cali oo ah nin soomali ah, dhalinyarana ah, wuxuu deggan yahay London, shaqadiisu waa bas-wade, waaan xaas leh hal wiil, sidoo kale waa arday dhigta College, wuxuu dhowaan ku guuleystay lacag 30 kun oo gini ah sababtuna waa dadaalka uu muujiyey, heerka uu waxbarashada ka gaaray iyo dhaqdhaaqyo kale oo uu sameeyey.

Qaasim, hadda tabeelayaal waaweyn oo sawirkiisu ku dheggan yahay ayaa lagu sharaxay qeybo ka mid ah magaalada London, gaar ahaan dhanka waqooyi, horeyna wuxuu u sameeyey dhaqdhaqaaqyo uu nabadda soomaliya ugu ololeynayo, oo isagoo dharka hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed xiran, ayuu ka qeyb qaatay orodka dheer ee marathonka ee London.

Amina Muuse Weheliye ayaa ku wareysatay istudiyaha Bush House, waxeey weeydiisay sababta uu lacagta intaas la'eg loogu abaalmariyey, wuxuuse marka hore ka hadlayaa shaqadiisa iyo waxbarashadiisa.