Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waraysi dumar lagu eedeeyey inay lacag u ururiyeen Shabaab

Image caption Dumar eedaysanayaal ah

Amina Farah Ali iyo Xaawo Mohamed Hassan, Waa laba dumar ah oo Somali ah, hase ahaatee waxay haystaan dhalashada wadanka Maraykanka, waxayna deggan yihiin Minnesota.

Labadaasi dumarka ahi, waxay ka mid yihiin ilaa 14 qof oo dhawaan la magac-dhebey, kuna kala sugan gobollada Minnestota, California, iyo Alabama oo ka tirsan Maraykanka, waxana lagu eedaynayaa inay xidhiidh la leeyihiin ururka Shabaab, una ururiyeen lacag lacag.

Khadka telifoonka ayay hadaba dhawaan dumarkaasi kula soo xidhiidheen weriyaha BBC, Mohamed Hagi Hussein, Shiine, oo jooga magaalada Washington. Waxayna uga warrameen xaaladdooda iyo denbiyada loo haysto