Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixinta OCHA ee Somalia

Warbixintii toddobaadka ee hey'adda xidhiidhinta arrimaha bani'aadminnimo ee Somalia, OCHA, ayaa ka hadashay dhibaatooyinka dagaallada magaalada Muqdishu iyo Dhoobley ay u geysanayaan dadweynaha rayidka ah, iyo barakaca ka dhasha. Waxayna sheegtay in dad badani ay ku dhinteen, in badan oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaallaaasi, isla markaana ay barakaceen tobannaan kun. Waxa kale oo kordhay qaxootiga Dhoobley ee iska diiwaangeliya xeryaha Dhadhaab, bishan August.