Waraysi - Abdillahi Ahmed Addow

Abdillahi A Addow
Image caption Abdillahi Ahmed Addow

Waraysi uu siiyey BBC, Abdillahi Ahmed Addow waxa uu soo jeedinayaa in la joojiyo dagaallada iyo is-qarxinta, lana qabto shirweyne kale oo Soomaaliyeed, ayna ku jiraan dhammaan dhinacyada dagaallada isku hayaa.

Abdillahi Addow waa diblomaasi Somaaliyeed oo ruug-caddaa ah, oo wax badan soo ahaan jirey safiir Somalia u fadhiya dalka Maraykanka. Waxa kale oo hore uu jagooyin wasiirnnimo uga soo qabtay dawladdii J D Somalia. Shirarkii danbe ee dib-u-heshisiintana waxa uu mar isku soo taagey musharrax madaxweyne. Haatanna waxa uu deggan yahay gobolka Virginia ee dalka Maraykanka.

Waxase Abdillahi Ahmed Addow marka hore uu ka warraay dareenkkiisa ku aaddan dagaalladani iyo qaraxyadii ugu danbeeyey ee lagula kacay huteellada magaalada muqdishu.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan